Ambassador Cawil Oo Milicsaday Xidhiidhkii Meles Zenawi Ee Somaliland Iyo Qaarada

0
804

 

cawilHargeysa(Geeska)-Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo ka tirsanaa xukuumadii hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in geerida Meles Zenawi qaaradda Afrika, gaar ahaan bariga Afrika ku banayn doonto kaalin weyn.

 

Md. Cawil, oo shalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in Meles Zenawi ahaa geesi ka soo dhex baxay siyaasadaha qasan ee Afrika oo uu sheegay inuu kaga soo gudbay xirfad siyaasadeed iyo waayo aragnimadii uu ka dhaxlay halgankii, “Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan dawladda Itoobiya iyo shacabkeeda, oo aan ka tacsiyadaynayo geerida Meles Zenawi. Meles Zenawi shacabka Itoobiya oo qudhi ma tabi doonaan ee waxa kale oo laga tabi doonaa bariga Afrika, waxa laga tabi doonaa Somaliland oo uu saaxiib dhow u ahaa.” Ayuu yidhi Cawil, waxaanu intaas raaciya inuu Meles Zenawi Itoobiya ku hagayay 21 sannadood oo uu xilka hayay dulqaad iyo odaytinimo, isagoo sheegay inuu sidoo kale ka qayb qaadan jiray xalinta khilaafaadka ka soo kordha qaaradda Afrika.

Cawil Cali Ducaale, wuxuu sheegay in Meles Zenawi lagu xasuusan doono dhawr qodob oo uu geesinimo darteed ku dhiiraday, “wuxuu taariikhda ku galayaa madaxbanaanida Ereteriya ee uu ogolaaday, qoomiyadaha Itoobiya oo uu u ogolaaday inay afkooda iyo diintooda xor u yihiin iyo distoorka Itoobiya oo uu geliyay in cidda ku qanci weyda federaalku ay ka bixi karaan marka ay afti iska qaadaan, waana dawladda qudha ee qodobkaas distoorkooda gelisay, waxaanay arrimahaasi ka ahaayeen geesinimo.” Ayuu yidhi Cawil, waxaanu intaas raaciyay, “Somaliland-na waxa ay Somaliya labaatan sannadood ka baryaysaa madaxbanaanideeda oo weli laga la’yahay hoggaamiye ku dhiirada sidaas Meles Zenawi ugu dhiiraday Ereteriya.”

Isagoo Oday Cawil ka sii hadlaya xidhiidhkii uu Meles Zenawi xoojiyay ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya, wuxuu yidhi, ‘Meles Zenawi wuxuu ahaa nin aaminsan inay labada dal iyo labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya wax wada qabsadaan oo uu xidhiidhkoodu sii xoogaysto.”

Ugu dambayn, wuxuu Cawil sheegay inuu Meles Zenawi Itoobiya gaadhsiiyay horumar kala duwan oo la xidhiidha dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, siyaasadda dibadda iyo weliba arrimo kale, “Meles Zenawi wuxuu noqday hoggaamiyihii u horeeyay ee dhaqaalaha Itoobiya gaadhsiiya heerka uu maanta taaganyahay, waxaanu ku hamiyayay inuu kor u sii qaado.” Ayuu yidhi Cawil.