Madaxweynihii Hore Oo Ka Hadlay Geerida Meles Zenawi, Saaxiibtinimadiisii Somaliland Iyo Kaalintii Uu Ku Lahaa Afrika

0
513

 

rayaleHargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa tacsi u diray dawladda iyo shacabka Itoobiya, ka dib geerida Raysalwasaarahoodii Meles Zenawi oo habeen hore ku geeriyooday dalka Itoobiya dibadiisa.

 

Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo mudadii uu xilka madaxtinimada Somaliland hayay uu si weyn u kobcay xidhiidhka labada dal ee Somaliland Iyo Itoobiya, ayaa wuxuu sheegay inuu Meles Zenawi ahaa saaxiib ay Somaliland ku lahayd madaxda qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika, waxase uu muujiyay inuu xidhiidhkii labada dal halkii ka sii socon doono geerida Meles Zenawi ka dib, “Geerida Meles Zenawi, markii aan maqlay aad ayaan uga naxay, waxaanan tacsi u dirayaa dawladda Federaalka Itoobiya, shacabka Itoobiya, ururka Midowga Afrika iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika oo uu guud ahaantood Meles Zenawi ka baxay.” Ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, isagoo jooga magaalada Borama, waxaanu intaas raaciyay, “Wuxuu ahaa nin weyn, run ahaantiina waxaynu [Somaliland] ahayn saaxib.”

Madaxweynihii hore oo uu Geeska Afrika, weydiiyay bal inuu cabiro miisaanka xidhiidhkii Somaliland iyo Meles Zenawi, iyadoo dadka qaar sheegaan inay labadooduba (Rayaale iyo Meles) aad isugu dhawaayeen, ayaa wuxuu yidhi, “Shaqsiyan ka sokow Somaliland iyo Xidhiidhka inaga dhaxeeya ayaanu saaxiib ku ahayn run ahaantii, aad baanu markaas geeridiisa uga naxnay, waxanan rajaynaynaa in reer Itoobiya siday u buuxin lahaayeen si wanaagsan ay ku dhamaystaan,  xidhiidhkii soo jireenka ahaana uu halkii ka sii socdo.”

Mar, Daahir Rayaale la weydiiyay inuu aaminsanyahay in Meles Zenawi laga tabi doono bariga Afrika, wuxuu yidhi “Anigu waan aaminsanahay in laga tabi doono, waayo waxyaabo badan ayuu Afrika iyo barigan Afrikaba ka qabanaayay, ruug-caddaa weyn buu ahaa oo waxaan aaminsanahay in aad loo tabi doono, waxaanan filayaa in qolada cusub ay halkii ka sii wado Itoobiya.”

Ugu dambayn, wuxuu Madaxweynihii hore rajeeyay in hoggaanka cusub ee qaban doona talada Itoobiya  uu halkii ka sii waddo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, “Somaliland kolayba inay xidhiidhka halkii kasii-wado cidda dambe ee halkaas qabata (Itoobiya) ayaan rajaynayaa.” Ayuu yidhi Rayaale.

Markii ay dawladda Itoobiya ku dhawaaqday geerida Raysalwasaare Meles Zenawi oo muddo xanuun u jiifay dalka Itoobiya dibadiisa, waxa si ku meelgaadh ah xilkiisii loogu dhiibay ku xigeenkiisii oo ahna wasiirka arrimaha dibadda Mr. Haile Mariam Desalegne, oo dhashay 1965, kana soo jeeda qabiilka la yidhaahdo Wolayta ee degga koonfurta dalkaas, waxaanu noqonayaa masuulkii u horeeyay ee aan ahayn Amxaaro amaba Tigrey ee xilkan qabta, waxaana Meles Zenawi loo samayn doonaa aas qaran.