Obama Oo Sheegay In Xaaskiisa Michelle Iyo Labadiisa Hablood Ay Ay Ka Maadaystaan Dhegihiisa Waaweyn

0
605

Hargeysa (Geeska)- Inta badan waxa aynu maqalnaa dagaal weerar iyo weerar-celis u badan oo u dhexeeya siyaasiyiinta iyo warbaahinta, gaar ahaan kuwooda xilalka muhiimka ah haya. Waxa ugu badan ee hoggaamiyeyaasha dunida gaar ahaan qaybteedan aynu ku nool nahay ee lagu magac-dhabo Saddexaad waxa ay si aad ah u karhaan warbaahinta, inta badan ayaanay dhacday in erey uu hoggaamiyuhu karahsaday awgeed loo xidhay, loo cago jugleeyey ama looba dilay war-fidiyeen si caadi ah xirfaddooda ugu shaqaynayey. Laakiin sidaas ma’ wada’ aha oo waxaa la soo helayaa kuwo iyagu aad u dhiirran oo inta si kalsooni leh u soo fadhiistaan wariyaha hortiisa si cod karnimo leh isu difaaca amaba saxafiga laftiisu uu dhibco ku waayo. Kuwan waxaa ka mid ah madaxweynaha dalka Maraykanka oo dhowaan inta uu soo hor fadhiistay saxafiga maadayska iyo ku jees-jeeska madaxda caanka ku ah ee Steven Colbert. Saxafigani talefishanka Comedy Central ayaa uu ka sii daayaa barnaamij caan ah oo lagu magacaabo The Colbert Report, kaas oo uu si joogto ah ugu canjilo uguna dheel-dheelo shakhsiyaadka caanka ku ah siyaasadda ama xilalkam uhiimka ah haya.

“Ninkani waa nin aad isula weyn, waxa aanan hubaa in marka uu naftiisa ka sheekaynayo uu iska dhigo sida ruux qof kale oo aan meeshaba joogin ka sheekaynaya” Sidaas ayaa uu yidhi Madaxweyne Obama oo intii uu barnaamijkan martida u ahaa isagiisu canjilaya barnaanij-soo-jeediyaha Steven Colbert.

Saxafigan o ocean ku ah su’aalo yaab leh iyo arrimo shakhsi ah in uu farogeliyo ayaa isaga oo madaxweynaha ku xaqiraya korodhka uu sheegto in uu ku sameeyey shaqooyinka Maraykanka iyo kordhinta mushaharka waxa uu yidhi, “Waan idinku waafaqsanahay in aad dad badan shaqaalaysiiseen, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga” ereygan oo uu wariye Steven si dadban ugu durayey, Obama oo lixdii sano ee uu xilka hayey Afar jeer marba taliye cusub u magacaabay ciidamada qalabka sida. Waxa aanu doonayaa in uu u sheego in waxa uu kordhiyey ay tahay keliya in mushahar dheeraad ahi fuulo liiska miisaaniyadda dalka, maadaama oo taliye kasta oo la beddelaa yeelanayo xuquuq iyo gunno joogto ah.

Obama oo ereyadaa xaqiraadda dadban ah fahmay ayaa inta uu qoslay waxa uu yidhi, “Waa runtaa, oo waxa aan is leeyahay taas ayaaba ah sababta arrimaha (Shaqo-abuurka) sii wanaajisay. Wariye Steven Colbert oo ku sii socda farogelintii nolosha shakhsiga ah ee Obama waxa aanu ku ceebeeyey in caadooyinkiisa xun xun ee la sheego ay ka mid tahay in marka uu guriga yimaaddo ee uu sharabaaddada bixiyo aanu si anshax leh meel fiican u dhigin ee uu ku tuuro meel kasta oo uu so ogaadho, laakiin Obama ayaa mar kale taasna u qirtay, welibana ku dooday in ay tahay arrin iska dabiici ah. Mar kale Obama isaga oo ka jawaabaya abuurka dhegihiisa iyo hab-maamuuska madaxnimo ee uu umadda Maraykan ka helo in aanu ka helin qoyskiisa waxa uu ku jawaabay, “Waxa aan qirayaa in xaaskayga iyo labadayda hablood ay maadays ka dhigtaan dhegahayga waaweyn, oo ay ku ciyaaraan” intaas kuma uu joogsan ee waxa uu yidhi, “Marka aan guriga tago, Michelle (Xaaskiisa) Sasha iyo Malia (Labadiisa hablood) sida halyeeyada iima soo dhoweeyaan.

Waraysigan ayaa loo arkaa in uu aad u kordhiyey sumcada Obama dad badanna u tusay in hoggaamiyahoodu yahay shakhsi caadi ah oo lala murmi karo, la naqdiyi karo, lana duri karo anshaxiisa.