Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
673

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

Xidhiidhka Qaraabada.

– Si kasta oo uu kugu qallafsanaado qofka aad qaraabada tihiin ha goynin, xidhiidhka qaraabanimada.

– Qaraabada iyo ehelkuba xaq ayaa ay kugu leeyihiin, wixii aad dheertahay wax ka tar. Mararka qaarkood casuun oo meel isugu keen. Ogow haddii ay baahan yihiin, in aanay jirin cid ka mudan sadaqadda aad bixinayso.

– Saaxiibbada waalidkaa waxa ay la qiimo yihiin qaraabada, qaddari oo si xushmad badan leh ula dhaqan.

La Dhaqanka Ubadka.

– Dhaqan kasta oo aad ilmahaaga bartaa waxa uu tartiib-tartiib u noqonayaa qiimihiisa, Mooralkiisa iyo Dabeecaddiisa mustaqbalka, sida awgeed waa in waalidku uu u feejignaada waxa uu barayo ubadkiisa. Ogow waxa aad barto caruurtu waxa ay ka hor qabsan ogyihiin waxa ay arkaan adiga oo samaynaya. Wax kasta oo aad jeceshahay in ubadkaagu aanu baran, ha samayn iyaga oo ku arkaya. Haddii ilmuhu uu arko Aabihii ama Hooyadii oo masaakiinta sadaqo siinaya isna waxa uu bilaabayaa in uu markiisa bixiyo sadaqadda iyo in uu u naxariisto dadka liita.

– Haddii aad soo gasho qolka oo lagu daawanayo T.V- ama cajalad ama aad soo gasho iyada oo wax la dhagaysanayo (Idaacad ama Cajalad rikoodh) ha isku dayin in aad ku beddesho mid aad sidato ama aad u beddelato Idaacad ama Jannal aad jeceshay aad gaysato, haddii ay ka fursan waydo in aad sidaa samayso waydiiso dadka aad ugu soo gashay qolka. Ha yaraysan xitaa haddii ay yihiin ubadkaagii.

– Maadaama oo uu ilmuhu waqtiga intiisa badan uu ku ag qaato hooyada iyada ayaa uu xil dheeraad ahi ka saaran yahay edbintiisa iyo barbaarintiisa. Aabuhu inta uu guriga joogo waa in uu ka qayb qaataa edbinta ubadka, waana in uu mar walba isku dayaa sidii uu u farxad galin lahaa Ilmaha.

– Waalidku waa in uu u hawl galaa sidii uu ilmihiisa uga dhigi lahaa mid isku filan oo qabsan kara howlihiisa u gaarka ah, ka bilow cadayga, suuliga, waysada, cunnada iwm. Arintani waxa ay ka caawinaysaa in mustaqbalka uu ku filnaado danihiisa oo aanu cid kale gacan ka sugin.

– Marka aad ilmaha wax u soo iibinayso ku dadaal in aad u kaxayso suuqa si aad u waydiiso dookhiisa. Haddii uu doorto shay aanad la jeclayn si qayaxan ha ugu diidin ee ku qanci in aanu qaadan.

– U barbaari ubadkaaga sida ugu habboon ee ay u labisanayaan, hablahaaga ku barbaari is asturidda.