“Halkii Ugu Xumayd Ayaynu Maraynaa. Dawladdeenu Waxa Keliya Ee Ay Taqaano Ee Ay Mudnaanta Siisaa Waa Halka Ay Lacag Ka Helayso”

0
511

Picture7

Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha ugu cad cad aqalka golaha wakiilada Somaliland,ayaa sheegay in xukuumada hada jirta ay ka leexatay jidkii iyo barnaamijkii siyaasadeed ee lagu doortay waagii ay mucaaradka ahaayeen xisbiga KULMIYE,waxaana uu ku eedeeyey in ay u leexatay dhinaca lacagta,isaga oo tibaaxay in la illaaway oo aan la soo hadal qaadin waxyaabo badan oo muhiim u ah qaranka Somaliland oo ay ka mid yihiin raadinta ictiraaf ay Somaliland ka hesho bulshada caalamka inteeda kale,illaalinta xuquuqul insaanka, iyo sida oo kale horumarinta mustaqbalka dhalinyarada maalin walba tahriibaysa.

Md: Siciid Cilmi Rooble ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad lagu xusaayey maalinta xuquuqul insaanka oo lagu qabtay hotel Crown ee magaalada Hargeysa. “Waxaanu islahayn barnaamij-kan qaran dhisa,laakiin intii Maxamed Xaashi sameeyay uun baa laga qabtay barnaamijkii oo deedna barnaamijkii inta la iska laabay uun baa Lacag loo leexday,waxaa citiraaf ka sheekeeya ma jiro,wax xuquuqal iinsaan ka sheekeeyaa ma jiro,wax Darbi jiif ka sheekeyaa ma jiro, wax ka sheekaynaya mustaqbalkii dhalinyaradaas iyo dadkaas maalin walba tahriibaya ee maalin walba madhaya ma jiro,wuxuun baa la odhanayaa xagee lacagi taalaa,Turkiga ina geeya,halkee lacagi taalaa Faransiiska ina geeya, Dawladdeenu waxa kaliya ee ay taqaano ee ay Mudnaanta siisaa runtii waa halka ay lacag ka helayso uun.halka dalkani dal ka noqonayo ee dadku dad ka noqonayana isma lihi habeen baa laga hadlay”Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Md:Siciid Cilmi Rooble waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay xaalada xuquuqul insaanka ee dalka,waxaana uu tibaaxay in maanta uu dalku ku sugan yahay marxaladii ugu adkayd ee dhinaca xuquuqul insaanka,isaga oo carabka ku dhuftay in uu si aada u cambaaraynaayo qaabka ay u dhaqmaan ciidamada RRU-da,waxaana uu ugu baaqay cida lacagta ay ku shaqeeyaan bixisana in ay lacagtooda joojiyaan ay siiyaan ciidamada RRU-da.

“Nimanyaw waxaynu maraynaa meel adag, halkii ugu xumayd ayaynu maraynaa, RRU-dana waan cambaaraynayaa, cida lacagtooda bixisana waxaan leeyahay Jara, cid alle iyo cid amartana la garan maayo,anagu maxaanu samaynay,golihii baa la qabsaday oo ciidan lagu teediyay, waxaanu ku hadal-nay Hotel ka dibna,waxaanu nidhi aynu shacuurteena muujino, qori maanu sidan,xildhibaano ayaanu ahayn, dadkayagii oon taageeradooda haysano ayaa nadaba socday sidaas baa ciidan naloogu wareejiyay, caddaaladda aad doonaysaan waa maxay marka kuwii kaa qaban lahaa gudaha la dhigay ee ay 8-Saacdood xidhnaayeen” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.