Obama Oo Ey Yar Kor U Qaaday Iyo Ruushka Oo Kaga Jawaabay In Madaxweynahoodu Harimacad Ciyaarsiiyo

0
712

Picture8Moscow (Geeska)- Raysalwasaare ku xigeenka Ruushka Dmitry Kozak ayaa qoraal kooban oo ku baahiyey barta uu ku leeyahay bar-kulanka bulshada ee Twitter waxa uu ku xaqiray madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama oo uu soo bandhigay sawir uu Obama xambaarsan yahay Ey yar oo midabkiisu caddaan yahay, waxa aanu barbar dhigay sawirka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo salaaxaya xayawaanka Harimacadka loo yaqaanno gaar ahaan nooc ka mid ah oo dad qaad ba’an ah.

Raysalwasaare ku xigeenka Ruushka oo sawirkan uga dan lahaa in uu muujiyo faraqa dhinaca ragannimada iyo dhiiranaanta ah ee u dhexeeya labadan hoggaamiye ayaa farriintiisan jawaab uga dhigay Maraykanka iyo Midowga Yurub oo dhowr maalmood ka hor ku dhawaaqay in ay cuna-qabatayn dhaqaale oo dheeraad ah ku soo rogayaan Ruushka, oo ay ku eedaynayaan in uu taageero gooni-u-goosatada hubaysan ee bariga Ukraine, kuwaas oo ay reer galbeedku ku eedaynayaan in ay ka dambeeyeen soo ridista diyaaraddii laga lahaa dalka Malaysia ee dhulkaas ku dhacday. Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama oo cuna-qabatayntaas ku tiiq-tiiqsanaya ayaa yidhi, “Waxa ay sii daciifin doontaa dhaqaalaha Ruushka ee imikaba liita” isaga ku eedeeyey dalka Ruushku in uu isagu bulshada caalamka iska faquuqay, dhabarkana u jeediyey horumar la taaban karo oo uu muddo tobannaan sano ah dalkaasi samaynayey.

Wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo uu wargeyskan Geeska Afrika warkan ka soo xiganayo ayaa farriintan yasaysa ragannimada madaxweynaha Maraykanka ee uu raysalwasaare ku xigeenka Ruushku soo mariyey Twitter ka ku fasiray in ay si cad u iftiiminayso fahamka dhabta ah ee aqalka looga taliyo dalka Ruushka ee Kremlin uu ka haysto madaxweynaha Maraykanka. Sawirkan uu madaxweyne Vladimir Putin sida kalsoonida ah dhabta ugu haysto Harimacadkan oo ah nooc ku-isir leh gobolka Persia oo la aaminsan yahay in uu dabar-go’ ku dhow yahay ayaa ereyada uu Dmitry Kozak ku hoos qoray waxaa ka mid ah, “Waxa aanu leenahay qiyam iyo xulafo kala duwan” waxa aanu ka cadhaysiiyey dad badan oo Maraykan ah oo markiiba kaga jawaabay in ay raadiyaan sawirro kale oo uu Putin kula jiro ey si ay u soo dhigaan bar-kulanka bulshada ee twitter ka.

Madaxweyne Putin waxa uu caan ku yahay sawirrada muujinaya xoogga, geesinimada iyo dhiirranaanta, marar badan ayaa la arkaa isaga oo ciyaaraya ciyaarta Legdinta oo uu billado ku haysto, isaga oo laab qaawan si muruqyadiisa loo arko oo fardo fuulaya iyo marar badan oo uu xayawaanno dad qaad ah oo shabeel iyo harimacadkani ka mid yihiin haysta.