Digniin Caafimaadk: Koobabka Caagga Ah Ee Cabbitaanka Lagu Qaata Waxa Ay Keenaan Kansar

0
643

Picture9Washington (Geeska)- Koox xeel-deerayaal ah oo ka tirsan Golaha qaranka ee cilmi-baadhista ee dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyey in maadadda Styrene oo loo isticmaalo samaynta weelka caagga jilicsan ahi ay sababto cudurka kansarka. Barnaamij heer qaran ah oo dadka lagu barayo cilmiga sunta iyo wacyi-gelinta la xidhiidha oo ay madax ka yihiin 10 ka mid ah khubarada sunta ee dalka Maraykanka oo uu wargeyska Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu sheegay in maadadda Styrene oo laga sameeyo koobabka iyo bilaydhada caagga jilicsan ah ee lagu qaato cuntada degdegga ahi inay tahay maaddo kansar oo la hubo. Dr. Jean Honey oo madax u ah golahan (National Research Council) ayaa mar uu arrintan ka hadlayey waxaa ereyadiisa ka mid ahaa, “Qof kasta waxaa ku waajib ah in isticmaalka weelkan uu u arko in uu khatar ku yahay caafimaadkiisa mustaqbalka” waxa aanu ku celceliyey in koobabka shaaha, bunka iyo cabbitaanka lagu qaato iyo bilaydhada la mid ahba ay samayskooda ku jirto maadaddan oo sababaysa Kansar.

In kasta oo muddo dheer ay masuuliyiinta warshadaha weelkan sameeyaa ku andacoonayeen in maadadda ay ka sameeyaan ee Styrene ay aamin tahay, laakiin Dr. Honey oo xilligii madaxweyne Clinton madaxa waaxda cuntada iyo dawada ee dalka Maraykanka ayaa isagu intaas ku sii daraya in maadaddan Styrene ee rabadhka laga sameeyaa ay tahay maaddo la hubo inay kansar keenayso, sidaa awgeed waxa uu ku celceliyey digniintiisa oo ah in aan cunto iyo cabbitaan midna loo isticmaalin weelkan.