Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Wasiirka Maaliyadda, Dibna U Xasuusiyay Eedihii Uu Rayaale Iyo Cawil U Jeedin Jiray

0
580

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo ka mid ah Mudanayaasha Wakiilada ayaa wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku eedeeyay inuu ku dhaqmo qabyaalad, isagoo masuul dawladeed ah.

Xildhibaanka, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku duray wasiir Samaale, isagoo ka jawaabaya hadalo dhawaan ka soo yeedhay Wasiir Samaale. Qoraalka xildhibaanka ayaa sidan u dhignaa  "Waxaan jecel ahay in aan halkan jawaab kooban uga celiyo hadalka ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee JSL, Shiikh C/Casiis Samaale, oo maalmahan ku soo baxay Saxaafadda, isla-markaasna uu si duur-xul ah Qabyaalad ugu eedaynayo Ragga u tartamaya Hogaanka Sare ee

Dalka JSL, sida Guddomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI, Mudane C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) iyo Musharaxa M/Weynaha Xisbiga UCID, Mudane Jamaal Cali Xuseen, iyo malahayga Guddomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 Waxaan odhan lahaa Wasiirka Sheekh Samaale, hadalkaasi waa mid gef ku ah shakhsiyaadka aad u duur-xulaysid ee uu ku jiro Saaxiibkaa Gudd. CIRO oo abaal weyn ku leh sidii Xukuumadda KULMIYE ku hantiday guusha hogaanka waddanka, sida aad adiguba xog-ogaal u tahay, haddii aad xusuusan tahay. Run ahaantii waxaa aamin-san ahay in shacabka reer S/Land ay addiga si weyn kuugu xantaan Qabyaaladda iyo Qaraba-kiilka aad ku sheegtay shakhsiyadda Gudd. Ciro iyo Jamaal Cali Xusseen.

 Horta ogow in ALLAAH uu ku imtixaamay oo weliba kugu imtixaamay masuuliyad weyn oo kuwii kaa horreeyey, Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale iyo Wasiirkiisii Maaliyadda ee Cawil, aad adigu aad ugu dhaliili jirtey in ay Hantidii ummadda u maamuli jireen si dulmi weyni ku jiro oo ay lunsan jireen. Markaan eego dhaliilaha ka muuqda maamulka Wasaaradda Maaliyadda ee aad hadda xilkeeda hayso, waxaa ceeb kuugu filan shaqaalaha cusub ee kusoo biiray wasaaradda maaliyadda intii aad xilka haysay iyo sida Qabyaaladda iyo Qaraaba-kiilka ah ee aad u shaqaalaysiisay tiraddii ugu badnayd ee Wasiir Maaliyadeed uu ku soo kordhiyo Wasaaradda Maaliyadda, ALLAAH baan kugu dhaariyee imisa ayaa qabiilkaaga ah oo aad adigu qortay, weliba Jiffadda aad kasoo jeedo? Weliba kaaga darane shaqaalihii reerkaaaga ahaa ee aad qortay wasaaradda maaliyadda intii aad joogtay waa kuwa lunsanaya cashuurtii yarayd ee laga soo ururinayey danyarta khudaarta iyo Jaadka ka keena Ethiopia ee labadaas tuulo, sida ku cad fadeexadda ku qoran;

Iyada oo la wada og-yahay in dhamaan agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda Maaliyaddu aad u magacawday Qabiilkaaga, ALLAAH baan kugu dhaariyee Guddoomiye Cirro oo aad ku eedaynayso qabyaalad, immisa qof oo qabiilkiisa ah ayuu qoray shaqaalaha Golaha Wakiiladda oo aad xogo-gaal u ahayd muddadii 8 sano ahayd ee aad wada shaqaynayseen? ALLAAH baan kugu dhaariyee immisa shaqaale cusub ah oo qabiilkaaga ah ayaad addigu u keentay Gudd. Cirro si uu uga shaqaalaysiiyo Golaha Wakiiladda oo ilaa hadda ka shaqeeya?.

 Miyaanay ceeb kuugu fillayn adiga oo Wasiirkii Maaliyadda ah in tuulooyinka aad kasoo jeedo ee Allay-baday iyo Wajaale aad safar ku tagto 13 jeer si aad ugu furto mashaariic cusub oo addiga iyo Wasiiradda Xukuumaddu ku faanaysaan in aad ka hir-geliseen labadaas tuulo? Mase og-tahay in lagaala xisaabtamayo oo aad Wasiir u tahay Qarankan oo dhan iyo dhamaan Tuulooyinka iyo Degmooyinka JSL, min Low-ya caddo, Duruqsi, Balli-dhiig, Buhodle, Hin-galool iyo Ceelaayo?

Waxaan ku soo gunnaanadayaa Wasiir, xaal ka sii hadalkaas iyo ceebahaas shacabka Reer S/Land iyo saaxiibkaa Gudd. Cirro oo addigu nooga aqoon badan tahay dhaqankiisa iyo daacadnimadiisa. Fadlan hoos u eeg imtixaankaas ku haysta, ALLAAH ha ku waafajiyo hogaamin suuban iyo cadaaladda umadda dhexdeeda ah inta aad xilka hayso – AAMEEN.”