Obama Oo Difaacay Adeegsiga Diyaaradaha Drone-Ka

0
589

Picture6Madaxweynaha Maraykanka ayaa khudbad uu habeen hore  jeediyey si xoogleh ugu difaacay adeegsiga Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (Drone) loo yaqaan kuwaasi oo weeraro joogto ah ka geysta wadamo kala gedisan.

Barack Obama Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in Maraykanka uu adeegsado diyaaradahaasi, marka ay kooxaha khatarta ku ah Maraykanka ay ku sugan yihiin wadamo kale isla markaana ay dowladahaasi aanay  waxna ka qaban karin.

Obama ayaa ku tilmaamay duqeymaha diyaaradahan kuwo ay Maraykanka isku difaacayaan, wuxuuna sheegay in ay hadda wixii ka bilowda xadidi doonaan adeegsigan diyaaradahan, si loo yareeyo khasaaraha shacabka kasoo gaadha duqeymaha ay diyaaradahan geystaan.

Dalka Pakistan oo kamid ah wadamada ugu badan oo ay ka dhaceen duqeymaha diyaaradahan ayaa la rumeysan yahay in sanadihii lasoo dhaafay lagu dilay dad gaadhaya sadex kun (3000) kuwaasi oo u badan dad shacab ah. Diyaaradahan ayaa sidoo kale duqeymo ka geysta wadamada Afghaanistaa, Yemen iyo Soomaaliya.

Obama ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday Soomaaliya isagoo sheegay in adeegsiga diyaaradaha Drone-ka ee duqeeyey qeybo kamid ah Soomaaliya ay sabab u tahay in dowlada aaanay  gacanta kuwada heyn wadanka Soomaaliya, taasina keenaysa in Maraykanka uu adeegsado diyaaradahaasi, wuxuna intaasi raaciyey in Maraykanka uu hadda gacan siinayo ciidamada Midowga Afrika si ay uga guuleystaan kooxda Al Shabaab ee ka tirsan shabakada Al Qaida.