Somaliland Oo Dhawaan Loo Soo Daynayo Dhaqaalaha Budhcad Badeeda Ay Hayso

0
584

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa inay bisha dambe hesho wejigii u horeeyay ee lacagta loogu tallo galay in lagu hayo budhcad badeeda ku jirta xabsiyada Somaliland ee ay dalalka kale ku soo wareejiyaan.

Mashruucan oo dhawr goor dib u dhacay, ayay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen in bisha dambe ee June loo bilaabayo Somaliland wejigii u horeeyay ee lacagtaas oo aan cadadkeeda la sheegin. Lacagtani waxay toos ugu dhacaysaa xafiis qaabilsan arrimaha budhcad badeeda oo hoos yimaada wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, lamana garanayo in lagu shubi doono qasnadda dawladda.

Dhaqaalahani wuxuu ka imanayaa xafiiska la dagaalanka dambiyada iyo mukhaadaraadka ee Qaramada Midoobay, oo gacan ka gaystay soo wareejinta budhcad badeedan, waxaana Somaliland ku weheliya maamul goboleedka Puntland oo uu isna wejiga koowaad ee lacag helistani u bilaabmi doono bisha soo socota ee June ee sannadkan.

Xabsiyada Somaliland waxa ku jira maxaabiis tiradooda lagu qiyaasay dhawr iyo labaatan, kuwaas oo ay dawladda Syschells soo wareejisay, ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland heshiis la saxeexday Madaxweynaha Syschells, kaas oo dhigayay in Soomaliland lagu soo wareejiyo budhcad badeedda Soomalida ah ee  iskood u doorbida in ay xukunkooda ku qaataan xabsiyada Somaliland.