Saadaasha Cilmi Falagga Ee Sannnadka 2017 Saadaalo kale iyo sannadka 2017 (Q. 8)

0
591

1Midowga Yurub: Xasilooni darro dhaqaale oo raacda bixitaanka Ingiriiska:

Xiddigiyeyaashu waxa ay malo-awaalayaan in bixitaanka Ingiriiska ee Midowaga Yurub uu sababi doono hoos u dhac dhaqaale oo gaadha dalka Yurub, dhaqaale xumadaas oo iyaduna keenaysa khatar dhinaca ammaanka ah oo iyaguna sii sababi doona in uu hoos u dhaco dalxiisk oo dalka Turkigu uu dhaqaale badan ka helo.

Iiraan:

Xiddigiyeyaal kala duwan ayaa ay la tahay in sannadkani uu bishaaro dhaqaale oo fiican u yahay dawladda Iiraan oo saliiddiisa u heli doona suuqyo hor leh iyo maalgashi shisheeye oo wax-ku-ool ah.

Siyaasad ahaanna sida la og yahay sannadkan oo ay dalkaas ka dhici doonto doorashadii madaxtooyadu ayaa ay kooxaha xiddigiska qaarkood sheegayaan in garabka muxaafadka ah oo muddooyinkii dambe aad looga adkaaday ay mar kale si xooggan madaxa ula soo kici doonaan. Waxa ay ku andacoodeen in ragga sida aadka ah doorashadan uga dhex muuqan doona ay ugu muhiimsan yihiin janaraalka hoggaamiyaha ciidamada kacaanka ee sida toosaka ah u hoostaga wadaadka ruuxiga ah ee Aayatullaah Cali Kaaminaa’ii Janaraal Qaasim Sulaymaan oo si weyn ugu lug leh dagaalada Suuriya, Ciraaq iyo Yemen ee lagula jiro Islaamiyiinta si guud iyo si gaar ah dadka sunniga ah, iyo weliba xaaladaha siyaasiga ah ee dalalka Lubnaan iyo Baxrayn ka jira. Waxaa sidoo kale si aad ah uga dhex muuqan doona Cali Laarajaani oo ah oo ah guddoomiyaha golaha la’tashiga (Shuuraha) ee dalka Iiraan iyo madaxweynihii hore ee Maxamuud Axmedi Nejaad. Kooxaha xiddigisku ma’ay sheegin in qaar ka mid ah masuuliyiintan ay magacaabee ay isu sharraxi doonaan xilka madaaxweynaha dalkaas, waxa se ay caddeeyeen in ay si mug leh ugu lug yeelan doonaan doorashada, iyo in arrintani ay saamayn dhaqaale oo fiicnayn ku yeelan doonto dhqaalaha dalka maadaama oo dadka ka faa’idaysan lahaa maalgashiga Iiraan ay ku abuurmayso cabsi la xidhiidha muxaafadka oo xoogaysta. Waxa kale oo ay sheegayaan xiddigiyeyaashu in furfuranka dhaqaale ee dalka Iiraan uu sii xoojin doono loollanka u dhexeeya hoggaanka sare ee dalka, gaar ahaan hoggaanka sare ee ilaalada kacaanka oo ku dadaali doona in uu sii haysto danaha ganacsi ee uu hadda leeyahay, kuna dadaali doona in uu isagu jiheeyo siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan dalalka gacanta Carabta oo Sucuudigu ugu horreeyo oo uu ku dadaali doono in uu diblumaasiyadda xaaladda colaadda kula macaamilo.

Xiddigiyeyaashu waxa ay sheegeen in arrintan macnaheedu aanay ahayn in dalka Iiraan uu deggenaan doono sannadka oo dhan, waayo waxa jira dareenno ay ka qabaan in ay kor u kici doonaan xiisadaha siyaasiga ah, gaar ahaan dagaalo ka soo kordha dhinac kasta oo dalkaas ka mid ah, kuwaas oo ay ku lug leeyihiin Carabta Al-Ahwaas ee galbeedka dalka degta, kooxaha gooni goosadka ah ee Bulishistaan oo dega dhinaca Baakistaan ee Koonfurta bari ee dalkaas, kooxo argagaxiso ah oo badhtamah dalka ah, xagjirka Shiicada iwm.

Yemen:

Sida ay sheegayaan xiddigiyeyaasha ka fallooday saadaashooda carabta ee sannadka 2017 ka, waxa ay ku andacoonayaan in sannadkan dalka Yemen xaaladdiisu aanay isbeddeli doonin, oo colaaduhu sii jiri doonaan in kasta oo dhinaca kalana wada hadallada nabaddu ay sii socon doonaan. Waxa ay saadaalinayaan in Xuutiyiintu ay la iman doonaan tanaasul ka badan inta ay ogolaayeen sannadkan.

Dawladda Isu-tagga Imaraadaha Carabta ayaa ay xiddigiyeyaashu filayaan in uu ciidamadiisa si tallaabo-tallaabo ah ugala bixi doono dalka Yemen, kadib marka ay ciidamada isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayaa ay guulo badan ka soo hooyaan dagaalka Yemen, gaar haan dhinaca  Koonfureed.

Sucuudiga:

Axmed Shaaheen oo ah xiddigiyecaan ah ayaa shaaca ka qaaday in saadashii Nostradamus ay ka fahmeen in sannadkan 2017ka ay dalka Sucuduugia ay ka dhiman doonaan laba shakhsiyadood oo aad u magac weyni, iyada oo weliba geeridoodu noqon doonto mid lama filaan ah oo  qofkan oo an soo bukaan.

Dhinaca kale waxa ay saadaaluhu sheegeen in sannadkan la filan karo in Amiir Sucuudiya afduub loo kaxaysan karo, waxa ay sheegeen in afduubksi noqon doono mid madow badan ku jiro.

Ugu dambayntii xiddigiye axmed Shaaheen waxa uu sheegayaa in xajka sannadka 2017ka ay gudaha xaraamka ka dhici doonaan gadoodyo iyo iska horimadyo khalkhal ku abuura guud ahaanb habsmi u socodka hawlaha xajka.

Axmed Shahiin waxa uu ahaa ninkii sannadkiia 2016kn saadaaliyey in Sayful Islaam Qaddaafi uu mar uun ku soo noqon doono, sidoo kale waxa uu saadaaliyey in madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi uu ku dhici doona cudur. La soco…