Ninka Guurka Gabadha Aadka Uga Da’ Yar Waxa Uu Ka Helaa Caafimaad, Laakiin Gabadhu Waa U Cimri Deg Deg

0
1707

Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa gaadhay natiijo muran iyo doodo xiise badan dhalisay oo sheegaysa in raggu ay cimri-dherer iyo caafimaad ka qaadaan guurka dumarka aadka uga da'da yar.

Xeeldheerayaasha cilmiga bulshada ee daraasaddan sameeyey ayaa sheegaya in gabadha oo ninka ka yar 15 illaa 17 sano ay boqolkiiba 11 hoos u dhigayso khatarta cudurrada iyo xaaladaha caafimaad ee ragga ku keena dhimashada kediska ah iyo cimri degdegga, gaar ahaan marka la barbar dhigo ragga guursada gabadh ka yar 7 illaa 9 sano.

Laakiin daraasaddu caafimaadkan ay ku sheegtay in raggu ka helayaan guurka dumarka ka yar, mid la mid ah uguma ay bushaarayn dumarka iyagu guursanaya ragga ka da’da weyn, balse taas lidkeeda waxa ay caddaysay in dumarka ay guursadaan rag da' ahaan ka weyn ama aad uga da' yari ay boqolkiiba 20 kor u qaaddo xaaladaha caafimaad ee ku keeni kara dhimashada kediska ah iyo cimri deg degga.

Waxa ay daraasaddu hoosta ka xariiqday in haddii ninku gabadha ka weyn yahay ama ka yar yahay 15 illaa 17 sano iyo ka badan ay sii kordhayso khatarta gabadhu ay waajahaysaa.