Wasiir Samsam Oo La Kulantay Guddiga Dhaqaalaha Ee Wakiilada

0
658

Picture1Hargeysa (Geeska)-Guddidi Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda  Cismaan CabdilaahiSaxardiid (Cadaani) iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd isbarasho iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada ayaa kulankaasi markii uu dhammaaday ayaa Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Xildhibaan Cumar Axmed Saaleeban (Cumar Sanweyne)  ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedada kulankan waxaanu yidhi “Kulankani waxaa uu ahaa  sidii ay Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland iyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ah Wasiir ku cusub Wasaradda Maaliyada ay wada shaqayn wanaagsan u yeelan lahayeen iyo  sidoo kale Kulan is barasho”

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Somaliland  Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyana halkaas ka hadashay ayaa iyana waxa ay ka war bixisay ujeedada kulankan waxayna tidhi “Runtii kulankani waxaa uu ahaa kulan faa’iido badan leh waayo waxaanu ka faa’iidnay waxyaabo badan oo ay inagala shaqayn karaan Guddidu,  imika waxaanu wadnaa cashuurihii barriga, waxaanu isku af garanay in ay nala shaqayaan, dadkana ay ka dhaadhiciyaan in ay cashuurta bixiyaan. waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay xeerar aanu soo wadno in ay qeyb weyn ka qaatan oo ay nagala shaqeeyan markaa runtii kulankan is faham iyo faa’iido badan ayaanu ka helnay “.