Dadka Gaagaaban Oo Lagula Taliyey In Ay Ka Warhayaan Xaaladda Caafimaad Ee Wadnahooda

0
1496

Picture9Sahamin la sameeye yayaa lagu ogaaday in dadka joogga gaaban lihi u badan yihiin kuwa ay ku dhacaan xanuunnada wadnuhu, sidaa awgeed waxaa talo lagu siiyey in ay si gaar ah uga warhayaan xaaladda caafimaad ee wadnahooga, iyo in haddii ay isk uarkaan calaamad kasta oo ka mid ah calaamadaha lagu garto dadka wadne xanuunka leh, ay si dhaqso ah dhakhtar ula xidhiidhaan.

Cilbibaadhis aad u sal-ballaadhan oo ay sameeyeen xeeldheerayaal u dhashay dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in mar kasta oo qofka qaan-gaadhka ahi uu ka gaaban yahay dhererka dhex-dhexaadka ah, ay kor u sii kacayso cabsida ah in ay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga qaadaa.

Xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey oo uu ka mid yahay Nilesh Samani oo ah bare-sare oo cilmiga caafimaadka wadnaha ka dhiga jaamacadda Leicester ee dalka Ingiriiska isla markaana madax ka ahaa cilmibaadhistan ayaa sheegay in haddiiba uu qofku 6.5 sentimitir (Iyo ka badan) uu ka gaaban yahay dhererka caadiga ah, ay boqolkiiba 13 kordhayso khatarta ah in ay ku dhacaan currada haleelaha xididdada dhiigga” Tusaale ahaan qofka uu dhererkiisu yahay 1.52 Mitir celcelis ahaan boqolkiiba 2 illaa 3 ayaa uu qofka dhererkiisu yahay 1.67 Mitir uga dhow yahay in ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha ama xididdada dhiigga haleelaa.

Samani oo arrintan sii faahfaahinaya ayaa mar uu la hadlay Joornaalka New England Journal of Medicine oo uu Geeska Afrika soo xigtay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Muddo ka badan 60 sano waxaa soo jira xidhiidh taban oo la og yahay in uu ka dhexeeyo dhererka iyo khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka xididdada wadnuhu. Laakiin waxa aynu ma’ogganayn in ay jiraan sababo kale oo la xidhiidha koritaanka qofka, sida faqriga, ama nafaqadu uu qofku helo xilliga carruurnimadu in ay iyaguna kaalin ku leeyihiin xanuunnadan, iyo sidoo kale in uu jiro xidhiidh Hidde-side oo ka hexeeya gaabnimada iyo khatarta ah in qofka ay xanuunnadani ku dhacaan”

Daraasaddan oo tijaabadeeda laga qaaday dad tiradoodu ka badan tahay 183 kun oo rag iyo dumar ah, natiijadeeda waxaa lagu yidhi, “Waxa aanu caddaynay, in uu jiro xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya gaabnida iyo kor u kaca khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga u qaadaa. Taas oo inoo caddaynaysa in hidde-sidayaasha dhererku ay dhinaca kalana xidhiidh kala leeyihiin caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga ku haba.

Xaaladaha kale ee iyaguna wadne xanuunka keena ayaa ay khubaradu sheegeen in ay ka mid yihiin, “Sigaar cabbista, Macaanka iyo dhiig karku. Waxaana la og yahay in xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga u qaadaa ay yihiin sababta koowaad ee dunida maanta ku keena dhimashada degdegga ah.