Ninka Aasaasay ‘Wikipedia’ Ayaa Bilaabay Shabakad Xidhiidhka Bulshada Ah Oo La Tartanta Facebook Iyo Twitter

0
836

 

Washington (Geeska)- Aasaasaha shabakadda Wikipedia ayaa aasaasay shabakad bulsho oo lagu magacaabo ‘Wikitribune social’. Shabakaddaas cusub oo magaceeda loo soo gaabiyo WT Social waxa uu aasaasuhu ugu talagalay in ay la tartanto shabakadaha bulshada ee Facebook iyo Twitter.

Jimmy Wales oo ka hadlaya hindisihiisan cusubina waxa uu sheegay in shabakaddani uu ugu talagalay dadka doonaya in ay xogo iyo warar run ah dadka la wadaagaan, iyo in ay qayb ka qaadato xoojinta helitaanka warbaahin tayadeedu aad u sarrayso.

  1. Social ayaa uu Wales sheegay in ay tahay shabakad war is dhaafsi iyo in dadku ay doodo iyo falanqayn midho dhal ah yeeshaan, iyo in xidhiidhkoodu uu ka sii fiicnaado sida hadda.

Wargeyska Financial Times oo ka warramay shabakadda cusub ayaa sheegay in dadka isticmaalayaa ay awood u yeelan doonaan ka qaybgalka doodaha la xidhiidha wararka lagu baahiyo qaybta wararka kooban “News feed” oo la mid ah bogga Facebook. Sida oo kale qofku marka uu ku biiro shabakadda cusub waxaa fursad loo siin doonaa in uu ku biiro ururro iyo kooxo kala duwan oo qaybintoodu ku salaysantahay qaybaha kala duwan ee mawduucyada sida, siyaasadda, Teknoolajiyada iyo arrimaha bulshada.

Bogga ay shabakadda cusubi iskaga warramayso (About us) waxa ay ku sheegtay in aanay iibin doonin xogta macaamiisheeda, sida mararka qaarkood ka dhacda shirkadaha baraha bulshada oo xogtaas uga faa’iideeya ganacsatada xayeysiisyada doonaya. Sida oo kale waxa ay yeelan doontaa qaybo u gaar ah ururinta dhaqaalaha samafalka ah. Jimmy Wales oo u warramay wargeyska Financial Times waxa uu sheegay shabakadda cusub ee uu soo daayey in aanay baahinayn xayeysiisyo. Isaga oo sheegay xayeysiisyada ay baraha bulshadu sii daayaan in ay dhibaato ku yihiin dadka isticmaalaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here