Ma Ogtahay, In Inanta Iyo Wiilku Ay Isku Mid Ka Yihiin Fahamka Xisaabaadka Iyo Injineernimada

0
828

 

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis ay natiijadeedu dhowaan soo baxday ayaa beenisay aaminsanaantii ahayd in sababo la xidhiidha abuurka ragga iyo dumarku ay keentay in raggu ay haweenka kaga bataan hawlaha teknoolajiyada, xisaabaadka iyo Injineeriyada.

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey lagu faafiyey majaladda News Week ee ka soo baxda Maraykanka ayaa lagu ogaaday in maskaxda hablaha iyo wiilashu ay si isku mid ah u awooddo fahamka xisaabta.

Tijaabooyinka ay sameeyeen xeeldheereyaasha cilmibaadhisahan sameeyey ayaa muujinaya in aanay jirin wax badan oo ay ku kala duwan yihiin korniinka iyo shaqooyinka maskaxaha wiilasha iyo gabdhaha.

Sahamin la sameeyey intii u dhexeysay sannadihii 2015 illaa 2016 ayaa muujinaya in dumarku ay boqolkiiba 35 iyo badh keliya ka ahaayeen ardayda jaamacadaha Maraykanka ee baranayey culuumta la xidhiidha Teknoolajiyada, Injineeriyada iyo xisaabaadka, halka marka shahaadada labaad loo gudbana ay tirada haweenka maaddooyinkan dhiganayey noqdeen boqolkiiba 32.6, waxbarashada heerka PhD-dana ay noqdeen boqlkiiba 33.7.

Sababta ay haweenku mar kasta maaddooyinkan in kala badh ka badan uga yar yihiin wiilasha ayaa lala xidhiidhinayaa aaminsanaanta baahday ee ah in maskaxda raggu ay abuur ahaan maskaxda haweenka kaga fiican tahay fahamka maaddooyinka aynu soo xusnay iyo u dhabar adayga shaqooyinka la xidhiidha maaddooyinkaas.

Jessica Cantlon oo ah bare sare oo cilmiga korniinka neerfayaasha ka dhigta jaamacadda Carnegie Mellon ayaa sheegtay in cilmigu uu beeninayo aaminsanaantaas dhaqanka ah, iyada oo intaas ku dartay in maskaxda carruurtu wiilal iyo gabdhaba ay isku hab u shaqayso. Sidaa awgeed hawlo badan ay si isku mid ah u qaban karaan una fahmi karaan.

Jessica waxa ay sheegtay kala duwanaanshiyaha marmar laga dareemo maskaxda hablaha iyo innamadu, in ay ku timaaddo sababta hab macaamilka kala duwan ee wiilasha iyo gabdhaha lagu qaabilo, iyo duruufaha deegaan ee ay la noolyihiin oo inita badan ku dhisan aragti ah in ay wiilasha iyo habluhu maskax ahaan kala duwan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here