Facebook Oo Qiratay In Ay Si Qarsoodi Ah Ugu Shiddo Kamaradda Taleefanka Iphone Ka Ah Ee Macaamiisheeda

0
903

 

Washington (Geeska)- Shirkadda Facebook ayaa arbacadii 13-ka Noofambar sheegtay in cillad farsamo ay keentay in macaamiishooda sita taleefanka gacanta ee iPhone ay kamaradda taleefankoodu si qarsoodi ah u shidanto marka ay Facebook galaan. Shirkaddu waxa ay si adag u beenisay in sababta ay kamaraddu u shidmaysaa ay la xidhiidho hawlo basaasnimo.

Waxaa saacadihii u dambeeyey baraha bulshada ee adduunka si weyn ugu faafay warka sheegaya in kamaradda taleefanka iPhone ku ay si qarsoodi ah u shidmayso, marka uu qofku galo Facebook. Iyada oo mid ka mid ah macaamiisha ay xaaladdani ku dhacdayna uu baraha bulshada ku faafiyey muuqaal fiidyow ah oo arrintan xaqiijinaya.

Guddoomiye ku xigeenka shirkadda Facebook oo lagu magacaabo Jay Reason ayaa farriin uu ku baahiyey bartiisa twitter ka waxa uu ku sheegay in arrintani ay tahay cillad farsamo, shirkadduna ay bilowday baadhitaanno dheeraad ah oo ay ku ogaanayso sababta runta ah ee keentay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here