Sigaar Nuugista Aabuhu Waxa Ay Khatar Ku Tahay Wadnaha Ilmihiisa Uurka Ku Jira

0
777

Beijing (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in sigaar nuugista aabuhu ay kor u qaaddo khatarta ah in ilmihiisa ku jira caloosha hooyadii uu qaado wadne xanuun. Dr. Jeyaabi Keino oo ka mid ahaa cilmibaadhayaasha ka qayb qaatay daraasaddan ayaa sheegay in ninku marka uu doonayo in uu ubad dhalo uu iska joojiyo sigaar nuugista, sababtana waxa uu ku sheegay in aabaha sigaarka nuugayaa uu khatar ku yahay caafimaadka xaaskisia gaar ahaan marka ay uurka leedahay oo ay khatarta uu sidaa u gudbayso ilmahaas.

Dr. Jeyaabi oo ka tirsan kuliyadda Caafimaadka dadweynaha ee jaamacadda Central South oo ku taalla degmada Hunan ee dalka Shiinaha, ayaa intaas ku daray in dhaawaca uu aabaha sigaarka nuugaa gaadhsiinayo caafimaadka wadnaha ilmaha uurka ku jiraa uu ka weyn yahay khatarta ay soo gaadhsiin karto hooyada uurka ku jirtaa haddii ay sigaarka nuugto.

Natiijada cilmibaadhistan oo lagu faafiyey Joornaalka European Journal Of Preventive Cardiology oo ka faallooda arrimaha caafimaadka gaar ahaan ka hortagga cudurrada wadnaha ku dhaca, ayaa lagu ogaaday in guud ahaanba sigaar nuugista labada waalid ay xidhiidh weyn la leedahay caafimaadka wadnaha ee ilmaha, kaas oo boqolkiiba 25 gaadhsiisan marka ay hooyadu sigaarka nuugto. Halka marka uu aabuhu sigaarka nuugo ay boqolkiiba 74 gaadho khatarta ah in ilmuhu uu la soo dhasho wadne xanuun. Waxa se ay khatartu labadan jeerba ka sii badan tahay marka aabaha oo sigaarka cabbaa uu ku ag nuugo hooyada oo uur leh, kadidbna qiiqa ay neefsato.

Inkasta oo ay cilmibaadhistani sheegayso in khatarta caafimaad ee ay hooyada sigaarka nuugtaa u gudbin karto ilmaha ay uurka ku siddaa ay ka yar tahay khatarta uu aabuhu gudbin karo, haddana macnaheedu ma’aha in hooyada sigaarka cabtaa aanay khatar ku ahayn caafimaadka ilmaha ay uurka ku siddo. Daraasado hore loogu sameeyey arrintaasina waxa ay muujinayaan in khatartaha hooyada uurka lihi ilmaha gaadhsiin karto ay ka mid yihiin ilmaha oo ku dhasha miisaan aad u hooseeya, ama sidkiisa oo aan gaadhin dhasha.

Waxa kale oo ay khubarada caafimaadku hore u xaqiijiyeen in hooyada sigaarka nuugta uu ilmaheedu la koro dhibaatooyin caafimaad darro oo mararka qaarkood gaadhi kara in ceebo dhinaca abuurka ah uu yeesho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here