Madaxweyne Silanyo Oo La Sheegay Inuu Go’aansaday Inaanu Doorashada Dambe Is Sharixin Iyo Raga La Filayo Inay Ku Loolamaan Murashaxa Madaxweyne Ee KULMIYE

0
534

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu go’aansaday inaanu tartanka doorashada madaxtooyada ee 2015 ka qayb gelin, xataa haddii ay wakhtigeeda oo ah bisha June ee 2015 ku qabsoonto doorashadu.

Ma jiro war rasmi ah oo uu Madaxweynuhu ku cadeeyay go’aankan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu toddobaadkan dhammaaday laba kulan oo kala duwan ku qabtay xarunta madaxtooyada, halkaas oo dadkii uu la kulmay uu ugu bandhigay mawqifkiisan cusub.

Madaxweynaya ayaa sida ay wararkani sheegeen wuxuu toddobaadkan kulan madaxtooyada isugu yeedhay xubno wasiiro ah iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi. Wuxuu ugu bandhigay go’aanka uu qaatay ee ah inaanu ka qayb gelin tartanka doorashada madaxtooyada, xataa haddii ay wakhtigeeda ku qabsoonto, waxaanu sheegay inuu go’aansaday inuu teeramkan uu hadda ku gudo jiro ku joojiyo xilka qaran ee uu hayo. Kulankan ayaa waxa ka qayb galay guddoomiyaha KUMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirada arrimaha dibadda, waxbarashada, madaxtooyada, duulista iyo hawada iyo ciyaaraha iyo xildhibaano ka mid ah kuwa ugu dhow dhow madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu soo jeediyay in laga shaqeeyo sidii khilaaf la’aan tartanka doorahada uu xisbiga KULMIYE ugu soo saari lahaa murashax u tartama oo ay inta kalena garab istaagto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubno wasiiro ahi kulankaas ka soo jeediyeen in laga shaqeeyo sidii madaxweynaha loogu samayn lahaa muddo kordhin mar haddii uu go’aansaday inaanu isa soo sharixin, waloow ay jiraan warar iyaguna sheegaya in xubnaha qaarkood ay soo jeediyeen in mar haddii uu madaxweynuhu go’aansaday inaanu is sharixin ay muhiim tahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabsto taas oo u wanaagsan sumacdiisa, waxaanay xubnahani hogo tusaaleeyeen culays Somaliland kaga iman kara beesha caalamka haddii muddo kordhin la sameeyo.

Kulanka labaad oo isna habeen hore ka qabsoomay madaxtooyada oo ay dhawr xubnood ka qayb galeen, ayaa isna la sheegay in madaxweynuhu mar kale ku xaqiijiyay go’aanka cusub ee uu qaatay ee ah inaanu tartanka doorashada ka qayb gelin.

Wararkani Geeska Afrika uma ay sheegin in madaxweynuhu dadkan uu la kulmay u sheegay sababta uu uga tanaasulay damaciisii uu hore u shaaciyey ee ahaa in uu isu soo taagayo xilli doorasho oo labaad iyo haddii uu sheegay waxa ay tahay sababtaasi. Si kastaba ha ahaato ee waxaa muddooyinkan dambe aad isu soo tarayaa cadaadiska ay dalalka reer galbeedka ah ee Somaliland kala shaqeeya dimuqraadiyeyntu madaxweyne Siilaanyo ku saarayaan in doorashada uu xilligeeda ku qabto.

Haddii ay sidaas ku dhabowdo in Madaxweyne Siilaanyo aanu ka qayb geli doonin tartanka doorashada madaxtooyada ee sannadka dambe, waxa xisbiga KULMIYE sidii lagu yaqaanay ka dhex bilaabmi doona loollan adag oo loogu baratamayo buuxinta murashaxa madaxweyne ee xisbigaas. Ragga la filayo inuu loolanka adagi dhex maro ayaa waxa ugu horeeya guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo  wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis