Nin Is Yidhi Sir Haween Ka Salgaadh Isaguun Baa Hawl Korodhsaday (Q:1aad)

0
675

Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan akhristayaashiisa kula wadaagayaa qiso uu ka soo turjumay afcarabi oo ka hadlaysa nin isku dayey in uu ka gun gaadho sirta iyo mukurka haween, laakiin ay isagii isku rogtay. Qisadanna run iyo been ta ay tahayba waxa ku jira xikmad iyo duruus badan oo ay raggu ka baranayaan in aanay ku talo gelin inay gabadha kaga badiyaan xeelad iyo khiyaamo.

Waxaa la yidhi nin hinaasi mushakiya ah ayaa beri ballan ku qaaday in aanu guursan doonin illaa uu ka salgaadho sirta haweenka. Waxa uu garaadkiisu tusay in haddii uu barto farsamooyinka ay dumarku ku siraan ragga uu ka badbaadi doono in xaaskiisu ay nin kale la khiyaamayso. marka ay ninkan saaxiibbadii ku yidhaahdaan guurso waxa uu ku odhan jiray, “Illaa aan sirta haween ka sal gaadho ma guursanayo. Waa in aan barto khiyaamooyinkooda oo dhan”

Waxa la sheegaa in ninkani uu samaystay buug iyo qalin u gaar ah arrintan, kadibna uu haasaawe u bartay boqolaal dumar ah, gabadh kasta oo uu barto, marka uu la ballamo ee ay u timaado ayaa uu waydiin jiray, “Markii aad gurigiina ka soo baxaysay, maxaad ku soo marmarsootay ee aad qoyskiinaa aad kaga soo fasax qaadatay, dumarkani ma’ay ogayn qorshaha qarsoon ee ninkan sidaa awgeed mid waliba waxa ay u sheegtaa farsamadii ay guriga kaga soo baxday, sida; “Hooyo heblaayo ayaan dhar ka soo qaadanayaa. … Aabo ardayad heblaayo ayaa aanu wax soo wada akhrisanaynaa, maanta macallinkii ayaa yidhi, duruus dheeraad ah ayaa jirta ee soo noqda, …Heblaayo ayaa dhar iga qaadatay oo aan u doonanayaa.. shalay ayaanan dugsiga tegin oo ardayad heblaayo ayaan ka soo qaadanayaa buugtii casharadii la dhigay… waxa xanuunsanaysa saaxiibaday oo aan soo eegayaa, heblaayo ayaa xaflad dhiganaysa oo i marti qaaday….” Iyo boqolaal cudur daar oo la mid ah.

Ninkii waxa uu qori jiray farsamo kasta oo loo sheego. Markii uu bartay tobannaan hablood mid walbana uu ka qortay boqollaal cudur daar, ayaa uu aaminay in uu si fiican u bartay xeelad kasta oo ay gabadhu ku marmarsoon karto. Haddiiba ay damacdo in ay nin kale u baxdo sida uu isagu ka cabsi qabay.

Kadib inta uu saaxiibbadiisii dhowaa iyo ehelkiisii isugu yeedhay ayaa uu ku yidhi, “Imika ayaan fulinayaa dalabkiinii muddada dheer aad igu waddeen ee ahaa in aan guursado. Imika ayaan kalsooni ku qabaa in aanay dumar I khiyaamayn karin, waayo waxa aan ka salgaadhay sirtoodii, sidaa awgeed gugaa maanta ah waan guursanayaa ee ha la iga tumo”

Faraxad ayaa la booday, waxaana la abaabulay arooskii ninkan oo soo xushay haweenaydii uu is lahaa tan ayaa nolol kula dhisi karta. Muddo ayaa uu qabay xaaskii, waa hinaasi iyo caadadii ee muddadaasba waxa gabadha haystay dhib iyo dabagal farabadan. Mar kasta oo ay doonto in ay meel tagto, waxa uu waydiin jiray halka ay qabanayso, marka ay u sheegtana inta uu la soo baxo buugiisii ayuu odhan jiray, “Way qoran tahay”  isaga oo u jeeda cudur daarkan aad ii sheegatay waxa uu ka mid yahay kuwii dumarkii aanu haasawnay sheegeen in ay u ku marmarsoon jireen oo wuu qoran yahay. Dabcan, cudurdaarrada uu ururiyay oo boqolaal ahaa awgeed inta badan waa ay iskeenayaan cudurdaarka gabadha inkasta oo iyada ay ka daacad tahay. Gabadhii markii ay khatiyaan ka istaagtay ninkii una suurto geli wayday in xitaa ay soo eegto qoyskeedii ayaa ay go’aansatay in ninkeeda iyada oo aan ka dudin ay tusto qaladkiisa, iyo in siraha haween aanu sidaa sahalka ah ku soo koobi karin ee uu aamino iyada iyo Allaheedana isu daayo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu ninkii guriga keenay xabbad xabxab ah oo aad u wayn kadibna inta uu miiska saaray ayaa uu suuliga galay. Gabadhu waa diyaar waanay ogayd in marka uu ninkeedu soo qado doonanayo uu keeno xabxab. Waxa ay la soo baxday xabbad Kalluun ah oo aad u yar horana ay u sii diyaarsatay. Daloolkii xabxabka laga tijaabiyey markii uu soo iibsanayey ayaa ay furtay oo inta ay waxoogaa soo xorodday xabadda xabxab ah gudaheedii ay ku ridday midhkii yaraa ee kalluunka ahaa, ay ku dabooshay qaybtii yarayd ee laga saaray. Kadibna iska dhigtay in ay shaqada guriga ku mashquulsan tahay. La soco…