“Cali-Gurey Maaha Gardaro Garab Og Ee Waa Gardaro Mucaarad Og”

0
688

badHargeysa (Geeska) Boqor Axmed Mad-madaw ayaa shawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Mujaahid Doob Cigaal kaas oo eeddo u jeediyay wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waxaana uu qoraalkaas ciwaan uga dhigay “cayda Cali Guray waa gardaro garab og”

Boqor Axmed Bad-madaw ayaa hadaba jawaab ka bixiyay eedda uu Mr. Doob jeediyay. Boqor Bad-madaw oo u waramay wargeyska Hubaal ayaa yidhi “nin Doob la yidhaa  ayaa qoraal uu ku qoray warbaahinta qaar ciwaan uga dhigay cayda Cali Guray waa gardaro garab og,hadaba anigu waxan leeyay gardarada Cali Guray waa gardaro mucaaridnimo og,taas halkaa aan kaga baxo,waxa inankan yare ee hadalkaas leh daaha u daba fadhiya Buur Baddaydu liqday,mana jecli inaan la hadlo.

Wasiir Samsam Cabdi aden iyadoo waxbarashada haysata ayaa wakhti dhaweyd madaxweynuhu socdaalkii uu ka bilaabay Saylac ilaa Laascaanood aynu ogayn dadka dhulkaas deganaa cida keliya ee ay waxqabadkeeda sheegeen inay tahay Samsam,madaxweynaha iyo shacbiguba waa ka markhaati,Illaahay hanoo daayee waxqabadkeeda waa mid lawada ogyahay,geed walba oo dad degan yahay iskuulo iyo waxbarasho ayay ka samaysay,maantay wasiiradda maaliyada tahayna waxan ka marag kacayaa siday markii horeba ay Somaliland ugu filnayd inay mandaqadan aynu ku noolnahay ugu filnaan,waa wasiiradayada noogu qiimaha badan,iyo xubnaha kale ee xukuumadda noogu jiraa iyaga ayaa nagu filan,markaa waxan leeyay Doob Cigaal oo Boqor Buur madaw soo kiraystay, sidan adeerkaa u liqay ayaan adigana kuu qaabilsiiyay mujaahid Xasan Xabashi oo wixii ka dambeeya kuu jawaabi doona”

Boqor Badmadoow isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “anaga way nagu filan yihiin wasiirada iyo xubnaha kale ee xukuumadda madaxweyne siilaanyo maanta noogu jira iyo inta aad sheegaysaba oo aanu ku qanacsanahay,ee waxaan ku leeyahay adiga iyo buur Madaw-ga daaha kuu daba fadhiya reer aad ka hadashaan gondihiina ayay taal ee kuwiina u baahan in loo hadlo ka hadla”

Wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi  “mujaahid Cali Guray waxa uu ku jiraa inta madaxweyne Siilaanyo yidhi looma jawaabi karo,wasiir Cukuse ayaa madal loo wada dhan yahay ka sheegay taas oo isaga laftiisu u jawaabi waayay,mujaahid Cali Guray iyo madaxweyne Siilaanyo-na waa laba iska kaaya og,markaa waxaan kaga baxayaa oon leeyay gardarada mujaahid Cali Guray waa gardaro og mucaaridnimo” ayuu yidhi boqor Bad-madaw.