Arrimo Dunida Qarniyo Ka Jiray Oo Fahamkoodu Uu Hal-Xidhaale Ku Noqday Cilmi Baadhayaasha

0
688

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Lixaad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah siraha ay aadamuhu furfuri kari waayeen ama dhacdooyinka soo maray adduunkan oo aynu ku magacaabi karno in ay yihin hal-xidhaalayaal maskaxda aadamaha dawakhiyey, waxa aanay yihiin:

Naxashkii Axdiga:

Diinta Yuhuuddu waxa ay aaminsan tahay in ay jiraan dardaaranno Toban ah oo uu ka tegey Nebi Muusa (CS), kuwaas oo ahaa farriin ama waxyi Alle oo lagu dhaqayey addoomaha, gaar ahaanna ka hadlayey dhinacyada cibaadada, macaamilka dadka iyo nolosha si guud.

Waxa ay aaminsan yihiin in dardaarannadani ay yihiin kuwo sidoo kale khuseeya Kiristanka, waana halka ay mar kasta isaga dhowyihiin dadyowga kala aaminsan diimaha Yuhuudda iyo Kiristanku, maadaama oo wadaada Kiristanku ay ku andacoodaan in Nebi Ciise (CS) qudhiisuna uu dardaarmay in la raaco dardaarankaas Nebi Muuse (CS) laga dhaxlay.

Labada loox ee ay ku qoran yihiin dardaarannadani waxaa lagu xafidi jiray Sanduuq la mid ah kan hadda maydka lagu qaado oo la odhan jiray Naxashkii ama Sanduuqii Axdiga iyaga oo axdiga uga jeeda dardaaranka. Taariikhda Yuhuuddu waxa ay sheegaysaa in aakhirkii naxashka ay reer Bani Israa’iil u rareen Muddo kadib reer Bani Bani Israaiil waxa ay u rareen dhismaha ay ku magacaabaan Haykalkii Sulaymaan (Nebi Sulaymaan CS) oo ah dhismihii ugu horreeyey ee boqor Sulaymaan (Nebi Sulaymaan CS) u dhisay in ay Yuhuuddu ku cibaadaysato, oo ahaa xilligii ay talin jirtay waxa loogu yeedho boqortooyadii Yuhuudda ee midaysnayd. Laakiin dagaalkii qadhaadhaa ee dhex maray boqortooyadaas iyo dowladdii Baabuliyiinta ee Shaam, gaar ahaan Ciraaq awoodda ku lahayd, kadib ayaa ciidamadii Baabiliyiinta oo dhulkan qabsaday ay burburiyeen Haykalkii (Macbadkii) Yuhuudda ee uu sanduuqa looxa axdigu ku qoran yahay ku jiray.

Laga soo bilaabo dumitaankii Haykalka oo ku beegan 586 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS) illaa maanta Yuhuuddu waxa ay ku adkaysanaysaa in uu Naxashkan / Sanduuqani ku dhex jiro burburka waxa ay ugu yeedhaan Haykalkii Sulaymaan oo ay sheegayaan in uu ku aasmay dhulka hoostiisa oo ah meel ku beegan halka uu ku fadhiyo masjidka Al-Aqsaa, laakiin muddadaas Saddex kun ee sano ah si kasta oo ay khubarada Yuhuudda ee raadinta aataarta oo kaashanaya khubarao kale oo caalami ahi u baadheen hadhaadiga Haykalkii iyo Naxashkiiba waa ay waayeen, boqollaal god oo hadhaadigaa lagu raadinayo ayaanay tobannaankii sano ee u dambeeyey ka qodayeen masjidka hoostiisa iyaga oo ku andacoonaya in uu halkaas ku jiro, welina lama hayo.

Waxaa jira taariikho iyaguna sheega in Naxashkii/Sanduuqii Axdigu uu yaallo dhulka Itoobiya, halka kuwo kalana ka sheegaan in uu ku aasmay meel ka mid ah dhulka lama degaanka ah ee dalka Urdun. La soco…