Nin Ikhtiraacay Muraayad Aan Qofka Muuqiisa Tusayn Illaa Uu Dhoolla Caddeeyo

0
581

1Ankara (Geeska)- Injineer u dhashay dalkaTurkiga oo lagu magacaabo Saalax Berik Elhaan ayaa ikhtiraacay muraayad marka la isku eego aan muujinayn muuqaalka wejigaqofka illaa uu dhoolla caddeeyo, waxa aanu sheegay in arrintan uu uga dan leeyahay in uu ku caawiyo dadka qaba cudurka Kansarka oo inta badan si joogto ah iyaga oo murugaysan isku eega muraayadda si ay ula socdaan isbedellada uu cudurku muuqooda ku keenay, balse marka ay eegayaan murugaysan.

Elhan oo u waramay wakaaladda wararka ee Anadoul ayaa sheegay in fikirka samaynta muraayaddani uu ku yimid jacayl uu u qabo in uu si nafsi ah u caawiyo dadka bukaanka, waxa aanay tusaale u tahay sida ay suurtogal u tahay in aynu samayno hab fiican oo sii xeeldheeraynaya xidhiidha u dhexeeya bukaanka iyo dhakhtarkiisa.

Elhan waxa uu sheegay in maalin maalmaha ka mid ah uu maqlay qisada qof qaba cudurka Kansarka oo la sheegay in uu ku dhici waayey in uu isku eego muraayadda cabsi uu muuqiiska ka qabo awgeed iyo isaga oo is diidsiinayey in unugyo kansark ay jidhkiisa ku jiraan, arrintaas ayaa uu Elham sheegay in ay saamayn ku yeelatay aakhirkiina ku dhiirrigelisay in uu muraayaddan sameeyo.

Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa uu Injineer Elhan ku sheegay in ujeedka koowaad ee uu leeyahay uu yahay in uu si uun uga qayb qaato,  kor u qaadista ruuxda macnawiga ah ee dadka qaba cudurka Kansarka, oo la og yahay in uu ka mid yahay cudurrada ugu saamaynta xun nafsadda qofka. Elhanwaxa uu sheegay in durbadiiba ay muuqdaan dalabaad lagu doonayo muraayaddan, sannadkan hadda curtay ee 2016 kana uu suuqyada soo gelin doono.