Hargeysa (Geeska): Waxaa habeenimadii Axadii ee todobaadkan lagu qabtay xarunta dhalinyarada Somaliland ee SONYO ee magaaladan Hargeysa bandhig suugaaneed ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska ee HAL-QOR.
Madashan bandhig suugaaneedka oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal ka mid ah halabuurada, bahda saxaafada, qorayaasha, ururada bulshada rayidka ah, guddoomiyaha ururka la dagaalanka qabyaalada, ardayda jaamacadaha iyo dadweyne kale oo fara badan ayaa waxaa sumad looga dhigay “Sanadka Cusub iyo Suugaanta Nageeye”
Hal-abuur Nageeye Cali Khaliif oo ka mid ah suugaanyahanka dhalinta yar ayaa waxa uu madasha ku soo bandhigay suugaan u badan guuldarooyinka ku gedaaman guud ahaanba siyaasadaha Soomaalida iyo caalamka Islaamka.
Waxaa uu si faahfaahsan uga waramay sababihii ay ku curteen gabayada Dal-dhameeye, Gobanimo-u-dirir, Qurbe-diid, Dhaygag iyo kuwo kale oo dhammaantood ka hadlaya mawduucyo siyaasi ah marka laga reebo qisada jacaylka ah ee uu kaga hadlayo maansada Isku-Filan.
Sidoo kale, Waxaa madasha ka hadlay Agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Ilig iyo Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo labadooduba tilmaamay in Nageeye suugaanta ka sakaw uu yahay qofka kaliya ee ilaa hadda dalka jooga ee shahaadada Masters ka ka haysta Culuumta saxaafada, iyagoo soo jeediyay in ay mudan tahay in bahda saxaafadu ay ku daydaan.
Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Naadiga Hal-abuurka BARAARUG Abwaan Faysal Aw Cabdi Cambalaash oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Nageeye yahay suugaanyahay dhalinyaro ah oo suugaanta ku jiray muddo saddex sano ah oo kaliya balse suugaantiisu ay isaga ka weyntahay muc ahaan iyo miisaan ahaanba, isagoo tusaaleyaal u soo qaatay gabayo door ah oo Nageeye uu curiyay oo saamayn degdeg ah yeeshay.
Guddoomiyaha la dagaalanka qabyaalada Cabdikariim Axmed Mooge, Hoodo-Ayaan Suldaan Adaan iyo xubno kale oo madasha ka hadlay ayaa dhammaantood iska daba maray muhiimadda ay baraarugga bulshada u leedahay suugaanta siyaasiga ah ee Nageeye uu soo bandhigay.
Gabagabadii bandhig suugaaneedkaasi, dadweynihii madasha ka soo qayb galay ayaa abwaanka waydiiyay su’aalo la xidhiidha suugaantiisa iyo waliba fikirada ay gabayadiisu xambaarsanaayeen, kuwaas oo dhammaantood uu halkaas kaga jawaabay.