Magaalo Dadkeeda Lugeeyaa Ay Dagaal La Galeen Baabuurta Sida Qaldan Loo Dhigo Shaaracyada

0
551

1Marseille (Geeska) Dadka ku nool magaaladda Marsiiliya ee dalka Faransiiska ayaa bilaabay hab cusub oo ay kaga hortagayaan darawallada qaldama ee baabuurtooda u dhiga si xun oo carqalad ku noqonaysa waddada qaybtii ay dadka lugaynayaa ama baaskiiladuhu mari lahaayeen. War uu geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Telegraph ee carriga Ingiriiska ka soo baxa ayaa sheegaya in dadka magaaladan ee lugta isticmaala ayaa is abaabulay, waxa aanay soo diyaarsadeen waraaqo xabag leh oo waaweyn oo lagu qoray, “Anigu sida doqonka Ayaan u taaganahay” kadibna waxa ay ku dhejinayaan dhammaan gaadiidka sida qaldan u dhigata meelaha baabuurta la dhigo (Parking) ama la dhigo meel aan loogu talagelin in baabuurka la dhigto.

Magaalada Narsiiliya oo ah magaalo dad iyo baabuur la ceeryoon ah caanna ku noqotay in baabuurtu ay jebiyaan xeerarka ka yaalla wada-marista ayaa ay dadkani sheegeen in gaadiidku uu dhib badan ku hayo isu socodka lugta ah ee magaalada. Arrinta xiisaha gaarka ah lihina waa in boodhadhkan qoraalku ku dhigan yahay loo sameeyey midabbo kala duwan, si qofka cabanayaa uu u doorto midabka ku soo baxaya ee aad uga muuqanaya gaadhiga uu ka cabanayo ee ay tahay in uu ku dhejiiyo.

Dadka ol’olahan soo abaabulay oo samaystay koox lagu magacaabo Revidk Art waxa aanay sameeyeen boodhadhkan oo qof kasta oo gaadhi si xun loo dhigay ka cabanayaa uu midh ka soo iibsanayo, kadibna gaadhigaa uu ka cabanayo ku dhejinayo. Waxa aanay kooxdu sheegta in dhowrkii toddobaad ee u dambeeyey laga iibsaday kumannaan boodh oo xitaa dadka ka iibsaday ay ku jiraan darawallo qudhoodu ka cabanaya darawallo kale oo si qaldan u dhiga baabuurta.

Warkan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa intaas kudaray in afhayeen u hadlay ol’olahani uu sheegay in fikirkani uu ugu yaraan qofka cadhaysa dejinayo oo ka yaranayo xanuunka nafsiga ah ee uu ka qaadayo kumannaanka darwal ee gaadiidka sida qaldan u dhiga ama meesha qaldan dhiga.

Boodhkan oo ah mid si sahal ah loo fujin karo marka la maydho ayaa sidoo kale lagu arkay magaalooyin kale oo Faransiiska ah oo ay ka mid tahay caasimadda Paris, faa’idada ugu weyn ee uu leeyahayna waa in laga cadhaysiiyo darawalka kadib marka uu arko in dadka oo dhami la socdaan in uu ficil qaldan ku kacay oo ciqaabtiisi warqaddan tahay, waana hab qofkii uu darawalku ka cadhaysiiyey ku nafisayo mar haddii uu isagiina ka cadhaysiiyey.