New York Times Oo Dooratay 100 Ka Buug Ee Ay Ku Qiimaysay In Ay Sannadka 2017 Ka Ugu Wanaagsanaayeen

45
3828

Washington (Geeska)- Boqol kitaab ayaa uu wargeyska ‘New York Times’ u doortay in ay noqdaan kutubta sannadka 2017 ka soo baxay, kuwooda ugu sii fiicnaa. Kutubtan oo isugu jira suugaan, sheekofaneedyo maloawaal iyo runba isugu jira iyo daraasado ayaa uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa qormadan.
Suugaanta iyo maloawaalka
1. American war (Dagaalka Maraykan) waa sheekofaneed uu qoraaga Cumar Alcaqaad ku eegayo, dhacdooyin uu aaminsan yahay in ay u gogol xaadhayaan in uu dalka Maraykanka ka qarxi doono dagaal sokeeye oo labaad. Waxa uu qoraagu ku doodayaa in horraanta qarniga 22naad ay muwaadiniinta Maraykanku la kulmi doonaan masiibooyin waayweyn.
2. Anything is possible (Wax kastaa waa suurtagal) Buuggan oo ay qortay Elizabeth Strout , waa sheekofaneed kale oo aad u dhiirran, jilayaasheedu waa dad ku nool tuule yar oo halgan ugu jira in ay fahmaan macnaha dhibaatooyin qoys oo taariikhdoodii hore (Awoowyadood) soo martay.
3. Autumn (Deyr) – Qoraa u dhashay dalka Scotland oo lagu magacaabo Ali Smith ayaa buuggan sheekada ah ku eegaya xidhiidh saaxiibtinimo oo dhex maraya nin da’diisu 101 sano jirtay iyo gabadh 32 sano jir ah oo u dhalatay Ingiriiska, waxa uu qaab maloawaal xiise badan arrintan ugu mesaalayaa midowga Yurub iyo Ingiriiska, isaga oo soo bandhigaya ka bixista ingiriiska ee Midowga Yurub.
4. Bad Dreams and other Stories (Riyooyin xun iyo sheekooyin kale) – Tessa Hadley waxa ay buuggan ku soo bandhigaysaa xidhmo sheekooyin gaagaaban ah oo uu akhristuhu macaan iyo qadhaadhba ka dhadhaminayo.
5. Beautiful Animals (Xayawaanno qurux badan) – Waxaa qoray Lawrence Obsorne, waa qiso ka dhacaysa mid ka mid ah jasiiradaha Giriigga. Waxaa is baranaya laba hablood oo maalqabeen ah iyo wiil qurux badan oo reer Suuriya ah oo qaxoontinimo ku yimid Giriigga.
Labada hablood waxa ay doonayaan in ay badbaadiyaan wiilkan tahriibaya laakiin caawintii ay rabeen waxaa ka dhalanaya natiijo masiibo ah.
6. The Book of Joan (Buuggii Jowan) – Qoraaga Lidia Yuknavitch, buuggan waxa ay qaab sheeko aad u xiise badan ah ugu soo bandhigaysaa sida ay la tahay in ay xaaladda adduunku noqon doonto marka laga gaadho 2049 ka, kadib marka ay si socdaan masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aadame sababka ah ee ka dhasha isbeddelka cimilada adduunka iyo dagaalladu.
7. A boy in winter (Sebi jiilaal jooga) – Waa sheeko kakan oo ka warramaysa xidhiidho jacayl, nacayb iyo khiyaamo isugu jira, qoraaga Rachel Seiffert waxa ay soo bandhigaysaa sheeko maloawaal ah oo ka dhacday tuule ku yaalla dalla Yukrayn oo dhibaato ka soo gaadhay taliski Hitler.
8. The Changeling (U ekihii) – Buuggan oo ay qortay Victor LaValle waxa ay ku soo bandhigaysaa sheekada nin buugaagta la isticmaalay iibiya oo lagu magacaabo Appolo Kagwa, waxa uu marayaa miidaamooyin cabsi badan, waxa aanu naqdin u jeedinayaa bulshada, isaga oo dhowranaya aftahannimadiisa heerka sarraysa.
9. Christmas Days (Maalmihii ciidda Kirismaska) – Waa 12 sheekooyin gaaban ah oo maad iyo qosol u badan. waxa aana qoray Jeannette Winsterson.
10. Dance of the Jakaranda (Jaaska Jakaranda) – Gabayaaga reer Kenya ee Peter Kimani waxa uu soo bandhigayaa sheeko xiise badan oo nuxur iyo ujeedo taariikhi ahi ku laaban tahay, waxa uu si gaar ah dib ugu noqonayaa taariikhdii gumaystaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here