Isku Aadka Wareega 16ka Kooxood Ee Copa Del Rey Oo La Sameeyay

36
3309

Kooxda difaacaneysa koobka ee Barcelona ayaa wareega 16ka waxa ay isku arki doonaan kooxda horyaalka La Liga ay ka wada dhisan yihiin ee Celta Vigo kuwaasoo kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka barbaro 2-2 ah ku qabtay Blaugrana, kulanka lugta hore ee wareega 16ka waxaa marti loo noqon doonta kooxda Celta Vigo.Kooxda Real Madrid ayaa waxa ay wareega xiga ee 16ka Copa del Rey isku arki doonaan kooxda heerka labaad ee Numancia, iyadoo lugta hore loo safri doono kooxda yar ee ka dhisan garoonka Nuevo Estadio Los Pajaritos.Kooxda Atletico Madrid waxa ay wareega 16ka Copa del Rey la ciyaari doonaan kooxda heerka seddexaad ee Lleida iyadoo lugta hore ay ka dhici doonto garoonka Wanda Metropilitano Stadium ee magaalada Madrid.Kooxda kaalinta labaad ku jirta horyaalka La Liga ee Valencia ayaa waxa ay wareega xiga ee koobka boqorka Spain ay isku arki doonaan kooxda La Liga ka dhisan ee Las Palmas oo gurigeeda lagu hormari doono lugta koowaad.Lugta hore ee kulamada wareega 16ka ee Copa del Rey waxa ay bilaaban doonaan 3da bisha Janaayo iyadoo taariikhda rasmiga ah ee kulan walba la ciyaarayo iyo waqtiga dib laga shaacin doono.Finalka Copa del Rey waxaa la qaban doonaa 21ka bisha April sannadka soo socda ee 2018 laakiin weli lama xaqiijin garoonka lagu qaban doono balse garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano ayaa ah mid u sharaxan inuu martigeliyo.

 

ISKU AADKA WAREEGA 16ka COPA DEL REY

 

Formentera v Deportivo Alaves

Atletico Madrid v Lleida

Numancia v Real Madrid

Celta Vigo v Barcelona

Cadiz v Sevilla

Leganes v Villarreal

Las Palmas v Valencia

Espanyol v Levante

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here