Sababaha Dadka Qaar Ku Keena In Marka Ay Qufaacaan, Qoslaan Ama Hindhisaan Aanay Kaadida Xejisan Karin

36
5175


Berlin (Geeska)- Majaladda Freundin oo ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa dhowaan baahisay warbixin caafiamaad oo ka digaysa in kaadida oo uu qofka ka tifaaqda marka uu qoslo, hindhiso ama qufaco ay noqon karto calaamad muujinaysa in qofka uu ku dhacayo cudurka kaadi-socodka keena.
Warbixinta oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa sheegaysa in kaadida oo tifaaqdaa ay ku timaaddo culays kaadi haysta agagaarkeeda ku dhacaya marka uu jidhka qofku sameeyo dhaqaaqa uu keeno qosolka, qufaca, hindhisada iwm. Taas ayaana keenaysa in culays isku soo ururiyo kaadi haysa, kadibna kaadidii ku jirtay ay soo tifaaqdo.
Waxaa jira muruqyo ilaalin ah oo ku xeeran kaadi mareenka oo dhan, waxa uu Alle ugu talagalay in ay iska caabbiyaan cidhiidhigaas dusha kaga imanaya si aanay kaadi haysta iyo kaadi mareenka oo dhami u dhaawacmin, laakiin waxaa ku dhacaya dabac keenaya in aanay cadaadiskii dusha kaga imanayey iska xejin karin, kadib kaadi haysta ayaa uu cadaadisku gaadhayaa waxaana imanaya in ay qofka kaadidu ka tifaaqdo.
Warbixinta majaladda Freundin waxa kale oo ay sheegtay in xaaladdan ah kaadida oo uu qofku xejisan waayaa ay ku dhacdo dumarka xilliga uurka kadiba ama marka ay caadado goyska noqdaan.
Ugu dambayntii waxa ay warbixintu sheegtay muhiimadda ay leedahay qofku marka uu isku arko in xilliyada qosolka, qufaca, hindhisada iwm aanu xejisan karin kaadida, in uu dhaqso ugu tago dhakhtar takhasus ah si la isugu tago in laga hortago in xaaladdiisu ay isu beddesho mid joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here