Nelson Mandela Oo Cisbitaal Loola Cararay

0
585

mandelaMandela oo 94 jir ah, ayaa la sheegayaa inuu cudurkiisa uu khatar yahay laakiin xaaladiisa ay fiican tahay kadib markii loo qaaday Cisbitaal Pretoria ku yaal habeen badhkii.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha, ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay samaynayaan wax walba oo ay awoodaan si ay u daaweeyaan oo uu u nafiso.

Mandela ayaa wuxuu qaaday tiibisho markii uu u xidhnaa labaatan iyo toddobo sanno hogaaminta la dagaalanka xukunkii midab kala sooca.

Nelson Mandela ayaa loo arkaa aabaha umadda, kadib markuu hogaaminayay waddanka xiligii xukunka laga wareejiyay cadaankii midab kala sooca oo lagu wareejiyay dowlad dimoqraadi ah oo uu hogaaminayay.