Kismaayo: Axmed-madoobe Oo Gacanta Ku Haya Iyo Xiisad Colaadeed Oo Ka Aloosan

0
567

Hargeysa(Geeska)- Magaalada Kismaayo ayay dagaalo dhimasho iyo dhaawacba gaystay ka dhaceen maalintii labaad, waxaana dagaalka qaaday ciidamada Raaskanbooniyiinta ee uu madaxweynaha u yahay Sheekh Axmed Maxamed Islaan ( Axmed Madoobe ) oo dhawaan lagu doortay madaxweynaha JubaLand, waxaanay ciidamadani dagaalka ay ku qaadeen ciidamada Iftin Xasan oo ka mid ah raga ku dhawaaqay inay madaxweynaha ka yahiin Jubaland.

 Dagaalkan ayay wararka qaarkood sheegayaan inay kula wareegeen gacan ku haynta magaalada ciidmada Axmed Madoobe, inkasta oo afhayeen u hadlay Iftin Xasan uu sheegay inuu magaalada ku sugan yahay wali.

Dagaalkan ayaa ka duwanaa kii ka horeeyay, waxaana uu socday in ka badan shan saacadood, iyada oo dagaalkii uu sababay khasaarooyin lixaad leh iyo bur bur xooggan oo soo gaadhay qaar ka mid ah dhismayaasha ku yaal halkii uu dagaalka ka qarxay.

Xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda V-Afmadow ayaa ahayd halka uu ka dhacay dagaalkii ugu xoogga badnaa, waxaana jira goobo ganacsi iyo guryo ay leeyihiin dad rayid ah oo ku burburay dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Madaxweeyne ku xigeen Jubbaland garab uu hogaamiyo Axmed Madoobe, Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo dagaalka ka dib shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay magaalada ka saareen kooxo uu ku tilmaamay Al-shabaab, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Somaliya in ay hubeeyeen kooxahaas.Masuulkan ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo uu xusay in ay ka qeybqaadanayeen dagaalkii maanta ka dhacay Kismaayo.

Xukuumada Somaliya ayaa iyadu dhankeeda iska fogaynaysay inay dagaalkaas ku lug leedahay waxaanay ugu baaqaysaa dhinacayada dagaalku uu dhex maray inay is xakameeyaan.