Kulankii Golaha Ammaanka Ee Khamiistii Oo Lagaga Hadlay Xayiraada Ay Somaliland Saartay Duulimadyada Qaramada Midoobay Iyo Wada Hadalada Labada Dal

1
753

topNewyork(Geeska)-Kulan uu golaha ammaanka Qaramada Midoobay kaga wada hadlay xaaladda dalka Somaliya, ayaa lagu soo hadal qaaday dhawr qodob oo Somaliland khuseeya.

Kulankaas oo xarunta Qaramada Midoobay ee Newyork ku qabsoomay Khamiistii doraad, waxa goob joog ka ahaa Somaliya, Itoobiya, Ingiriiska, dalal kale iyo xubnaha golaha ammaanka.

Kulanka oo ay ujeedadiisu ahayd in lagaga wada hadlo xaaladda Somaliya iyo caqabadaha hortaagan, ayaa wuxuu golaha ammaanku, ku soo dhaweeyay wada hadaladii Turkiga ee sannadkan dhex maray dawladaha Somaliland iyo Somaliya. “Golaha ammaanku wuxuu ku dhiirigelinayaa dhinacyada [Somaliland iyo Somaliya] inay sii wadaan balanqaadkoodii ku waajahnaa wada hadalka.” Laakiin golaha ammaanku wuxuu warbixinta oo fadhiga la akhriyay ku daray inuu ixtiraamayo midnimada wixii la isku odhan jiray Somaliya.

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds, oo isna halkaas ka hadlay ayaa wuxuu soo hadal qaaday wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo ay dawladiisu bilowday, “Boqortoyada Ingiriisku waxay ku faraxsantahay inay qabatay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya bishii June ee sannadkii hore, waxaanay rajaynaysaa inuu kulanka kale ku qabsoomo Turkiga.” Ayuu yidhi Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika.

Danjire Jeffrey Delaurentis oo ah danjiraha Maraykanka u qaabilsan siyaasadaha khaaska ah ee Qaramada Midoobay, oo isna kulankaas ka hadlay ayaa isagu wuxuu ka hadlay go’aankii ay dhawaan dawladda Somaliland xayiraadda ku saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay, ka dib markii ay ICAO sheegtay inay maamulista hawada Somaliland iyo Somaliya ku wareejinayso dawladda federaalka Somaliya.  Danjire Jeffrey, wuxuu yidhi “Waxaanu sidoo kale ka walaacsanahay go’aanka ay Somaliland 14kii May hawadeeda xayiraada kaga saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay.”

Isagoo ka sii hadlaya dhibaato uu dareensanyahay inuu go’aankaasi keeni karo wuxuu yidhi “Tani waxay dhaawici kartaa xaaladda bini-aadamnimo ee halkaas (Somaliland) ka jirta, waxaanay saamayn ku yeelanaysaa hawlaha cuntad, ahoyga, biyaha iyo nadaafadda lagu gaadhsiinayo iyo kaalmada kale ee ay bixiyaan ururada bini-aadmnimada. OCHA waxay ku qiyaastay in ku dhowaad 413,000 oo qof  ay u baahan yihiin caawimo biniaadminimo, kuwaasoo ay ku jiraan 39,000 carruur ah oo kasoo doogaya nafaqo-darro. Waxaa iyaguna weli jira in ka badan 85, 000 oo ah baro-kacayaash abaaraha iyo colaadaha.”

Waxa iyana halkaas khudbad ka jeedisay Raysalwasaare xigeenka ahna wasiirka khaarajiga Somaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ka hadashay waxyaabaha ay dawladoodu qabatay mudadii ay jirtay iyo weliba caqabadaha hortaagan. Sidoo kale Dr. Tekedu Alemu oo ah ergayga Itoobiya u qaabilsan Qaramada Midoobay kuna hadlayay magaca urur goboleedka IGAD ayaa isna halkaas ka hadlay. Waxyaabaha aad loogu soo hadal qaaday kulankaas waxa ka mid ah qaddiyadda Jubaland oo uu golaha ammaanku dhinacyada ay ka dhaxayso ugu baaqay inay is xakameeyaan si aanay xaaladdu faraha uga bixin.

Comments are closed.