Nasiye Oo Xaflad U Sameeyay Murashax Uga Tartami Doona Hargeysa

0
622

nasiyrHargaysa( Geeska )-Urur siyaasadeedka Nasiye ayaa  munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey musharaxii afraad ee isku soo sharaxa doorashada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa.

 Munaasabad  lagu soo dhawaynayey musharaxan oo lagu qabtay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay qaar ka mida madax odayaasha beesha uu ka soo jeedo musharaxani, hoggaanka sare ee ururka Nasiye ,taageerayaasha musharaxa iyo marti sharaf kale.

Ugu horayna waxa munaaasibadan lagu soo dhawaynayey musharaxnimada Aadan Maxamed Aadan, ka hadlay Maxamuud Aadan Gaas oo ka mida odoyaasha  beesha uu ka soo jeedo musharaxani, waxaanu sheegay inay garab taagan yihiin musharaxan “Waxaanu soo dhawaynaynaa musharaxnimada Aadan Maxamed Aadan, doorashadu nin waliba waxa uu kula soo baxayaa waxii tamartiisa ah, qofkuna marka uu doorashada galo waxa kartidiisa kula soo baxayo ayuu helayaa, anaguna kama rajo xumin in musharaxani uu kartidiisa wax ku keensan doono, waxaanan aad ugu mahadnaqaynaa dadka  garab istaagay musharaxan ee doonaya  inay soo saaraan wixii ilaahay u qorayna waayi maayo.”

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ururka Nasiye Farduus Siciid Dirir oo iyaduna ka hadashay munaasibadan lagu soo bandhigayey musharaxii afaraad ee gobolka Maroodi Jeex uga tartami doona ururka  Nasiye ayaa sheegtay  inay soo dhawaynayso musharaxan. ?

Buraale Jibriil Gaaxnuug oo ka mida masuuliyiinta ururka Nasiye oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey musharaxnimadda Aadan Maxamed Aadan .

Gudoomiyaha urur siyaaseedka Nasiye Cabdi Maxamed Cumar oo isaguna ka hadlay munaasibadan lagu soo bandhigayey musharaxan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo musharaxnimada Aadan Maxamed Aadan ?“Ururka Nasiye waa urur ujeedadiisu tahay inuu isbadal ka muujiyo dalka, waana urur u taagan inuu dalka horu mar gaadhsiiyo, waana urur loo siman yahay oo dhalinyaradu ay qaybta ugu balaadhan ka tahay, waxaanu ku dedaali doonaa inaanu bulshada u soo bandhigno  dad aanu is leenahay cida ay matalayaan ayey wax wanaagsan u qabanayaan, si aan hadhaw loogu hungoobin waxqabadka musharaxiinta aanu soo bandhignay, ururka Nasiyena waxa uu taageersan yahay musharaxnimada Aadan Maxamed Aadan waxaanu ururka Nasiye la soo qabtay hawlo badan.”

Ugu danbayntii musharax Aadan Maxamed Aadan oo munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay inuu  waxbadan u qaban doono dadka ku dhaqan  caasimada Hargeysa hadii uu ku guulaysto doorashada golaha deegaanka, sidoo kale musharax Aadan waxa uu sheegay inuu waxyaalo badan u qaban doono dhalinyarada caasimada.