Xisbiga UCID Oo Laba Murashax Oo Hargeysa Ka Tartamaya Soo Bandhigay

0
585

ucidHargaysa( Geeska )- Xisbiga Ucid ayaa laba musharax oo ugu tartami doona doorashada golaha deegaanka ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Xaflada balaadhan oo xisbiga Ucid uu u qabtay murashaxiinta waxa ka soo xaadiray murashaxa  madaxweynaha ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen,gudoomiye ku xigeenka xisbigaas, masuuliyiin sare oo xisbiga ka tirasan iyo dadweyne taageeroyaal u ahaa murashaxiinta xisbigu uu soo bandhigaayay iyo cuqaal.

Labadan murashaxa ee xisbiga Ucid uu soo bandhigay ayaa kala ahaa Mawliid Maxamed Aw Aadan iyo Cabdi Dool Kaariye, oo midkood ahaa xubin firfircoon oo xibigaas hore ugu tirsanan jiray, waxaanay masuuliyiinta xisbiga Ucid daboolka ka qaadeen inay soo xuleen labdan murashax oo ahaa kuwo da’yar.

Caaqil Maxamed Cismaan Ciise iyo Oday Bare Jaaamc Cabdi oo ugu horayntii xafladaas ka hadlay ayaa si siman u soo dhaweeyay labadan murashax oo ay ku tilmaameen inay ka soo naqeeyeen beelahooda, isla markaasna ay doonayaan inay codka siiyaan doorashada deeganka ee fooda inugu soo haysa, xisbiga Ucidna uu ka aqbalay, waxaanay ugu duceeyeen hadii xilkaas loo doorto in ille ku asturo.

Murashax Mawliid Maxamed Aw Aadan oo dhankiisa xafladaa ka hadlay ayaa ugu horayntii u mahadnaqay guud ahaan dadka taageersan ee xafladaas ka soo xaadiray iyo masuuliyiinta xisbiga Ucid, waxaanu ugu baaqay taageerayaasha xisbiga Ucid inay xildhibaanadooda soo saaraan si xisbigu u soo baxo.

Sida oo kale murashax Cabdi Dool Kaariye oo isagun xafladaas ka hadlay ayaa u mahadnaq xisbiga iyo taageerayshiisaba, waxaanu isda oo kale kawaramay murashaxnimadiisa “ Waxaan maanta sheegayaa inaan hay murashaxa doorashada deegaanka ee golaha  Hargaysa,  2008 ilaa maanta golaha deegaanka waan u taagnaa, wanan ka dhabaynayaa hamigaygaas, shacbiga Hargaysana waxaan u balan qaadayaa inaan daacadnimo ugu shaqayn doono , wadooyinka iyo qashinkana wax ka qaban doono.”

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ugu danbayntii xafladaas lagu shaacinayay murashaxiinta soo xidhay, ayaa si kal iyo laaba u soo dhaweeyay murashaxiintan ay soo bandhigeen, waxaanu daboolka ka qaaday in wakhtigan xisbiga Ucid ay dad tirobadan ku soo jabeen oo ay danaynayaan dib u habaynta xisbiga  lagu sameeyay.