Trump Oo Lagu Eedeeyey In Uu Xaaskiisa Ula Macaamilo Sida Hanti Uu Leeyahay Iyo Sababta Loo Cuskaday

0
854

1Washington (Geeska)-  Xeeldheerayaal aqoon durugsan u leh akhrista ishaarooyinka iyo xarakaadka jidhka ayaa ku dooday in Marwada Kowaad ee Maraykanku ay tahay uun sida walax ama shay uu leeyahay Donald Trump, sidalaga fahmay habdhaqankii qoyska ee muddadii ay socotay munaasabaddii caleemo saarku.

Cajaladaha maqalka iyo muuqaalka ah ee laga duubay Donald Trump iyo afadiisa oo meelo kala duwan iyo saacado kala duwan joogay maalintii caleemo-saarka ayaa inta la soo ururiyey dib loo daawadsiiyey xeeldheerayaashan si ay xarakaadka, macaamilka iyo ishaarooyinka lammaanahan uga soo dhex saaraan fahamka nooca uu dhab ahaan yahay xidhiidhka qoysnimo ee ka dhexeeya.

Waxa aanay badankoodu durbadiiba akhriyeen in uu aad u qabow yahay xidhiidka ka dhexeeya qoyska koowaad ee Maraykanka, gaar ahaan marka ay barbar dhigeen xidhiidhkii aadka u diirranaa ee ka dhexeeyey madaxweyne Obama iyo afadiisa Michelle. “Melania waxa ay Trump u tahay sida alaab uu isagu leeyahay” ayaa ay tidhi susan Cinstantine oo ku xeeldheer akhriska luuqadda jidhka, muddana tababare u ahayd wasaaradaha Maraykanka iyo sharciyaqaannada sare.

“Wax diirrimaad ah, ama jacayl run ah lagu sheegi karo, iyo kalgacal iyo naxariis ka dhexeysa kama aan arkayn labadan qof” ayaa ay tidhi Susan.

In kasta oo Trump iyo xaaskiisu mar ay ka qayb qaadanayeen ciyaar jaas ah oo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo labadooda marwo ay muusig deggen ku ciyaarayeen munaasabad loo qabtay, laakiin jaaskii laftiisii ayaa noqday calaamad kale oo ay khubaradu ka dheegtaan sida aanay labadan ruux isu jeclayn. “Xitaa qaabka ay u wada jaaseen ayaa muujinaysay in xidhiidhkoodu aanu isu dheelli tirnayn”

Tusaale kale oo muujiyey in xidhiidhkoodu yahay mid is mulkiyid ah ee aanu wax-wada lahaanshiyo ahayn, ayaa laga dheehday, muuqaalladooda bilowgii maalintii caleemo-saarka, gaar ahaan markii ay tegeen Guriga Cad, si ay u qaabilaan Obama iyo afadiisu, “Waxaa xiise lahayd in Trump markii uu gaadhiga ka soo degey, uu toos u koray kaabadda albaabka ay Obama iyo afadiisu soo taagnaayeen, kadibna kelidii iska bilowday gacan-qaadkii, halkii laga filayey in marka uu gaadiga ka soo dego, oo dabcan isagu uu ka soo degeyey daaqadda xagga kadinka soo xigtay, in uu cabbaar yara istaago si uu u sugo xaaskiisa oo daaqadda kale ka soo degeysay inta ay soo degeyso kadibna soo wareegayso si ay ugu timaaddo, marka ay isa soo gaadhaanna mar kaabadda soo wada fuuli lahaayeen. Sugid iska daa’ oo xitaa xaggiisa dambe ma’ eegin” sidaa waxaa yidhi, Patti Wood oo ku xeeldheer akhrisa ishaarooyika jidhka iyo xarakaadka qofka. Iyada oo Susa Constantine intaas ku sii dartay, “Haddii aanad hore u sii ogeyn in ay is-qabaa, ma’aad ogaan karain in ay is qabaan”

Mar dambe oo dhaarintii xilku socotay ayaa haddana kamaradaha Talefishannada laga arkay, Madaxweyne Trump oo iyada oo la wada arkayo, salaam aad u qabo oo niyadi ku jirin ku salaamaya afadiisa oo markaas soo ag istaagtay, iyada oo lagu jiray daqiiqadihii ugu weynaa uguna mudnaa noloshiisa oo dhan, oo ahaa markii loo dhaariayey xilka madaxweynaha Maraykanka. Halka Siddeed sano ka hor indhaha dadka ay soo jiidatay salaantii aadka u diirrnayd iyo dhoolla caddayntii farxadeed ee uu Obama ku qaabilay afadiisu markii ay isla masraxan la soo istaagtay.

Inkasta oo Madaxweyne Trump intii uu ol’olaha doorashada ku jirayba marar badan la sheegay in aanu u dhibirsanayn dhinaca dumarka oo haddana lagu xanto in uu shabeel-naagood yahay, haddana marnaba lama filayn in xidhiidhka uu afadiisa la’ leeyahay sidan u hooseeyo.

Waxaa iyaduna yaab lahayd markii maalintii caleemo-saarka oo roob shuux ahi ka da’ay fagaarihii xafladdu ka dhacaysay, uu soo galay Donald Trump oo kelidii inta uu dallaayaddiisa sito soo galaya goobta, halka afadiisa oo qoyday ay iska daba socotay, waxa aanay arrintani macno yeelatay markii dhinaca kale laga arkay Obama oo jeebadaha gacmaha kula jira oo dhibicda roobka ee dushiisa ku hooreysay qoysay, isaga oo foorarana goobta soo gelaya, halka afadiisuna ku hoos jirtay dallaayaddii isaga loogu talogalay, ee ay ka badbaadday qoyaankii roobka.

Sida ka muuqata warbaahin kala duwan oo uu Geeska Afrika warbixintan ka soo ururiyey, waxa ay arrintani noqotay mawduuc xiise badan oo dhaliyey in barkulanada bulsho ee internet ka ay dadku aad ugu gorfeeyaan, warbaahinta iyo shabakadahana lagu baahiyo sawirro muujinaya ixitiraamka iyo weynaynta ay xaasaskooda maalinta oo kale u hayeen, Obama, Bush, Clinton iyo madaxweyneyaal hore iyo sida uu Trump uga duwan yahay.