Nafna Ajasheeda Ma Dhaafto: Isaga Oo U Dabbaal Degaya Dhimasho Uu Ka Badbaaday, Ayaa Uu Geeriyooday

0
617

Tunis (Geeska)- Nin ka shaqeeya dhismaha ayaa isaga oo ka mid ahaa shaqaale dhisayey guri fooq ah oo laga dhisayey mid kamid ah xaafadaha magaalada Tuunis ee caasimadda dalka Tunisia, waxa uu ka soo dhacay dabaqa saddexaad ee fooqan dhismihiisu socdo.

Nasiibwanaag ninkani waxa uu ku dul dhacay buudhiga sare ee gaadhi Xamuul ah (Iska rogo) oo siday Ciid niis ah. Markii Iska rogadii istaagtay dad badanina ay ku soo urureen si ay u arkaan xaaladdiisaa, ayaa uu isla markiiba sarakacay, iyada oo sida ka muuqata aanu wax dhib ah qabin. Markii ay saaxiibadii ka war heleen in uu bad qabo waxbana aanu noqon ayaa ay ka dalbadeen in uu bixiyo Shaadaligii farxadda badbaadadiisa. Warkaas ayaa uu ku qancay, isaga oo aad u faraxsan ayaanu damcay in uu dukaan u dhowaa guriga ay dhisayeen kala soo cararo waxooga sharaab iyo macmacaan ah ah oo uu saaxiibadii u qaybiyo.

Nafna ma dhaafto xilliga uu Rabbi ugu tala galay in ay dhimato. Isla markii uu ninkani isku dayay in uu ka tallaabo waddo wayn oo u dhexaysay guriga uu wax ka dhisayay iyo dukaanka uu damacsanaa inuu wax ka soo iibiyo, ayaa waxa ka dul booday gaadhi ku socda xawaare aad u sareeya, isla goobtii ayaanu ku naf waayey.