Gabadh Dalbatay In Laga Furo Odaygeeda Oo Ay Sheegtay In Uu Gudcurka Si Aad Ah Uga Baqo

0
575

Picture5Qaahira (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Masar ayaa qasab lagaga furay saygeedii oo saddex sano ay wada joogeen, kadib markii ay sheegtay in aanay u adkaysan karin cabsi xad dhaaf ah oo uu ninkani ka qabo madowga, (Gudcurka) iyada oo la og yahay in muddooyinkan dambe uu go’itaanka laydhku aad ugu badan yahay magaalada Qaahira, taasina ay sii kordhisay dhibtii ninkan ka haysatay cabsida uu ka qabo iftiin la’aanta.

Maxkamadda arrimaha qoyska ee degmada Masarta-cusub oo ka tirsan magaalada Qaahira, ayaa go’aan ku gaadhay in haweenaydan lagu magacaabo Caaliyaa, J ay qasab kaga furto saygeeda, kadib markii ay garsoorayaashu ku qanceen in gabadhan ay dhibi ka soo gaadhayso cabsida daran ee uu saygeedu ka qabo madowga iyo xaaladda waswaaska iyo isku buuqa ah ee uu gelayo haddii uu madowgaas arko.

Haweenaydan ayaa dacwadda ay maxkamadda u gudbisay ku sheegtay markii ay saddex sano wada joogeen ninkeeda oo lagu magacaabo Jamaal ay ogaatay in uu khalkhal nafsi ah iyo waswaas qabo, si xad dhaaf ahna uga baqo madowwga. Garsooraha oo arrintan faahfaahinteeda sii weydiiyeyna waxa ay u tidhi, “Waxa aan ogaaday xaqiiqada ah in uu nafsiyan u buko, taas oo ii caddaatay markii aan arkay sida xad dhaafka ah ee uu uga baqo madowga. Haddii aan laydhka bakhtiiyo inta uu cabsi is madax maro ayaa uu i garaacaa. Cabsida uu iftiin la’aanta ka qabaana waxa ay gaadhay heer markii xaaladda laydhka ee Masar xumaatay uu guriga u soo iibiyo dhowr Dab-dhaliye (Mishiin) si uu u shido haddii laydhku demo” Gabadhani waxa ay ku cabatay hurdo la’aan ay ka qaadday laambadaha tirada badan ee uu habeenkii guriga u shido ninkeedan iftiin la’aanta ka baqayaa, taasina ay ku keentay daal nafsi oo aanay u sii adkaysan karin.

Gabadhani waxa ay sheegtay in markii arrintan ay qoyska ninka u sheegtay aanay cidi u garaabin oo loo arkay qof macno darro ku cabanaysa, aadna ay u xaqireen, iyaga oo sidoo kalana u sheegay in aanay ka caawinayn in uu ninku furo, taasina ay tahay sababta ku kalliftay in ay maxkamadda fasakhaad ama furniin qasab ah ka dalbato.

Dhinaca kalana ninkan ay gabadhu ka cabanayso oo arrintan uu garsooruhu wax ka weydiiyey ayaa xaaskiisa ku eedeeyey in aanay maskax ahaan caafimaad qabin, nooca dacwaddan ay soo oogtayna ay marag u tahay in aanay fayoobayn, waxa uu garsooraha hortiisa ka sheegay in uu qoomamaynayo guurkeeda. Maxkamadda oo arrintan si aad ah u baadhay waqti fiicanna siisay ayaa aakhirkii go’aamisay in ninkani uu furo afadiisan ka cabanaysa, xukunkaas oo uu ninkuna fuliyey.