Saygeedii Oo Ma Shaqayste Noqday Ayey Damacday In Ay Iibiso, Laakiin Hinaasihii Ay Ka Qaaday Dumarka Soo Dalbaday Oo Badnaa Awgii Ayaa Ay Isaga Deysatay

0
595

Washington (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Maraykanka ayaa khatiyaan ka istaagtay saygeeda oo ay ku sheegtay in uu ahaa mid ka adag keliya hurdada, oo ma shaqayste ah. Gabadhani muddo dheer oo ay u samraysay, talo iyo tusaalana kala daashay kadib waxa ay go’aansatay in ay ka takhalusto ninkan sidaa awgeed mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa ay ku qortay Ogeysiis ay ku sheegayso in ay saygeedan ma shaqaystaha ah iibinayso. Ogeysiiskan oo sheeko xiiso badan noqday waxa ay gabadhani ku sheegtay dhammaan tilmaamaha saygeeda, kuwa wanaagsan iyo inta ay ku nacday labadaba, kadibna waxa ay ku hoos qortay in aanay iyadu u adkaysan karayn la sii joogistiisa, sidaa awgeed ay diyaar u tahay in ay uga tanaasulayso gabadhii diyaar u ah. Gabadhan sheekada xiisaha badan reebtay waxa kale oo ay ogeysiiskeedda ku qortay cinwaanka lagala soo xidhiidhayo iyo qaabka ay dumarku ugu soo gudbinayaan codsiyada ay ninkeeda ku doonayaan.

Ninkan oo ay warbaahintu weydiisay bal in uu la socday in xaaskiisu ay iib u dhigtay, ayaa qiray in uu arrintaas maqlay, wargeyskana ka akhriyey, laakiin uu go’aansaday in aanu wax jawaab celin ah ka bixin, ee uu sugo bal waxa uu ku dambeeyo go’aanka xaaskiisan u cadhootay.

Arrintan xiisaha lihi waxa ay tahay,  in markii ogeysiiskan la daabacay ay oodda soo jabsadeen dumar aad u tiro badan oo cinwaankii gabadhani qortay soo gaadhsiinaya codsiyo qoraal ah oo ay ku sheegayaan in ay diyaar u yihiin in ninkan ay gabadhu uga tanaasusho, intaas oo keliya ma’aha ee guriga gabadhan oo cinwaankiisa ay ku qortay wargeyska ayaa waxaa ku soo qulqulay tobannaan dumar ah oo dalbanaya in ay arkaan ninkan iyo xitaa mararka qaarkood in ay hadda diyaar u yihiin in ay la wareegaan. Gabadhii oo sida muuqata hinaase galay, kadib markii ay aragtay dalabka badan ee ninkeeda, ayaa hinaase awgii si degdeg ah u go’aansatay in ay ninkeeda haysato xitaa haddii uu maalin oo dhan hurdayo, waxa aanay mar labaad baahisay ogeysiis ay ku sheegayso in go’aankii iibka ay ka noqotay oo laga joojiyo codsiyada loo soo dirayo.