Naasir Cali Shire Oo Ka Waramay Culays Safaarada Somaliya Ee Qadar Ku Hayso Jaaliyada Somaliland

0
679

 

Picture4Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka waramay ujeedada safar uu ku tagay dalka Qadar, kaasi oo la xidhiidhay dedaal diblamaasiyasadeed oo uu si shakhsi ah u waday, si dalka Qadar uu Somaliland uga taageero Qadiyadda Madax-banaaneeda.

Xildhibaan Naasir, oo shalay xarunta Golaha Wakiilada Somaliland ee Hargeysa Wareysi kooban oo ku saabsan Safarkiisa Doxa ku siiyay Wargeyska Madaxa-banaan ee Geeska Afrika, ayaa sheegay in safaarada dawladda Somaliya ku leedahay dalka Qadar ay culays badan ku hayso jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan isla-markaana dedaal ugu jirto sidii dawladda Qadar ay Jaaliyadda Somaliland ugu khasbi lahayd inay qaataan baasaaboorka Somaliya.

Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo ugu horeyn ka hadlaya safarkii uu ku tagay dalka Qadar ayaa yidhi  “Waxaan safar ku tagay dalka Qadar, gaar ahaan Magaalo Madaxdiisa DOXA, waxaana aad iyo aad I soo dhaweeyay jaaliyadda Somaliland ee Doxa, waxaanan joogay muddo laba toddobaad ah, mudadaasi waxa ii suurto-gashay inaan la hadlo warbaahinta Qadar, ujeedada ugu weyn ee aan ka lahaana waxay ahayd inaan Qadar u balbalaadhiyo taariikhda iyo Sooyaalkii Somaliland, si Qadar si Caddaalad ah uga gar naqdo (Wadahadallada Somaliland iyo Somaliya oo markaa la filayey inay Qadar ka dhacaan), aniga markii dambe oo aan u waramay Wargeyska Gulf Times aan ka codsaday dawladda Qadar inay Somaliland u soo dirsato wefti xaqiiqo raadin ah”

Xildhibaan Naasir, waxa kale oo uu soo qaaday  “Waxaan isku dayey inaan la kulmo Madaxda dawladda Qadar, laakiin waxaan dareemay in safaarada Somaliya ee Qadar ay bilowday inay Cadaadis saarto dadka reer Somaliland ee meesha deggan, waxaana la ii sheegay in intii safaaradaasi Qadar ka hirgashay in dhaqdhaqaaqeedu aad u badan yahay oo ay bilowday wixii la odan jiray Somali-weyn, oo ay meesha ka saarto wax kasta oo qoraal ah oo ay is tidhaahdo lid-buu idibku yahay, waxaana la ii sheegay in dad ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee Qadar degganaa labaatanka sanadood in markii lagu yidhi qaata Baasaaboorka dalka aynu jaarka nahay (Somaliya) ay diideen oo ay yidhaahdeen anaga iyo Carruurtayadu labaatan sanadood ayaanu halkan (Qadar) degganayn ama Baasaaboorka dalkayaga ayaanu qaadanaynaa ama waanu iska tagaynaa, oo markii dambe ay dawladda Qadar ugu dhufatay Fiisihii” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya sababta keentay in dalalka Carabtu ay Somaliland xidhiidh la furaan  “Waddamada Carabtu waxay kow ka yihiin waddamadii ka  soo horjeeday inay in Somaliland gooni u go’do, laakiin qadiyaddii Somaliland waxay noqotay Qadiyad cad oo sida qoraxda oo kale ah oo aan gacan lagu qarin karin, markaana markii ay arkeen dhaqdhaqaaqyada diblumaasiyasadeed ee meel walba ka socda inay ku khasbanaadeen inay la hadlaan, laakiin anigu ka fili maayo aqoonsi deg-deg ah, waxaanse ka filayaa inay Somaliland siiyaan dhaqaale buuran oo ay ka soo dabcaan halkii hore”

Xildhibaan Naasir Cali Shire, waxa kale oo uu tilmaamay in shirkii Somaliland iyo Somaliya ee ka dhacay dalka Turkiga uu ahaa mid Ingiriisku soo diyaariyey ajandihiisa  “Shirka Turkiga anigu waxaan Qabaa inay soo diyaarisay dawladda Ingiriisku oo iyadda ayaa Turkiga siisay (SIGNAL) inuu Turkigu qabto shirkaasi, waayo meesha laguma soo qaadin qodobkii ugu xasaasinaa ee ahaa Somaliland ma go’aysaa, mise Somaliya ayay ka sii mid ahaanaysaa, waayo waxa la og-yahay in qodobkaasi yahay qodob lagu kala kacayo, sidaa daraadeed Ingiriiska iyo Turkigu waxay ka shaqeeyeen in labada dhinac ka wada hadlaan qodobo laga heshiin karo oo isku fahmi karo”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “imikana sida la ii sheegay dawladda Ingiriisku waxay ka shaqeynaysaa in Somaliland ka qayb-gasho shirka London, iyadda oo la caqbalayo waxa Somaliland oo dawlad gaar ahi qabsato, taasina waata wasiirka arimaha dibada Ingiriiska William Hague uu Muqdisho u tagay (Ka Sakow Furitaanka Safaarada), si loogu qanciyo xukuumadda Somaliya, waayo shirkaasi ma midha-dhalayo Somaliland oo ka qayb-gasha mooyaane”