Machadka CSI Oo Tababar U Soo Xidhay Xubnaha Golaha Deegaanka Berbera

0
676

 

Berbera(Geeska)- Machadka tabobarka shaqaalaha dawalada ee CSI, ayaa tabobar socday mudo 12-maalmood ah u soo xidhay 21-ka xildhibaan ee golaha deegaanka Berbera, waxaanay kooxdan xildhibaanada ah siiyeen aqoon kordhis ka caawin kara shaqada dhawaaan loo doortay ee golaha deegaanka iyo sida la doonayo inay dadka soo doortay wax ugu qabtaan.

Ugu horayntii agaasimaha machadka hay’ada shaqaalaha  dawalada ee CSI Md. Maxamed Maxile Boqore, oo soo xidhitaankii tabobarkaas ka hadlay ayaa tabobarka ku tilmaamay mid qiimo badan ku kordhiyay xildhibaanada golaha deegaanka waxaanu sheegay inay siin doonaan tabobarkan golayaasha deegaanka ee lixda gobal ee waawayn ee dalka waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Machadka tababarka shaqaalaha waa hay’ada kobcisa korna u qaada aqoonta iyo xirfada shaqaalaha dawlada sare iyo ta dhexe sidaas darteed ayaa loo doorbiday in maxadka tabobarka shaqaalahu halkan ku kobciyo aqoonta iyo xirfada golayaasha deegaanka ee la soo doortay ee xilda gobal ee waawan kuwa kalena waa uu gaadhi doonaa, Berberadan aan joogno meeyaane kuwa kalena qaarna horaanu ugu soo xidhnay qaarna waanu u soo xidhaynaa, waxaanan idiinka mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad uga soo qabgasheen ee aad u baabusheen qaadashada aqoontan.”

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo isagun halkaas ha hadlay ayaa ka mahadnaqay tababarka la siiyay isaga iyo xildhibaanada golaha deegaanka ee Berbera waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaynu soo xidhaynaa tabobarkii inoo socday mudada 12-ka maalmood ahaa oo runtiina ahaa mid aynu aad iyo aad uga faa’idaysanay oo sii kordhiyay aqoonta aynu hore u lahayn, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhamaan xildhibaanada golaha deegaanka ee Berbera oo ah runtii kuwa sababay inay barari ku talaabsato horumar marka aad eegto isku xidhaanteeda, waxaanu ka faa’idnay sidii wax loo xalin lahaa ama loo maamuli lahaa, waxaanan u mahadcinayaa Maxamed Maxile Boqore oo ah hogaamiyaha tababarkan iyo shaqaalaha UNHABITAT.”

Ugu danbayntii badasaabka gobalka Saaxi Cali Maxamed Cilmi oo tabobarkaas soo xidhay waxa  hadaladiisa ka mid ahaa  “ waxaan rajaynayaa waxii aad halkaas  ka barateen ee aqoon ah inaad weelayn doontaan umaddana aad u gubindoontaan shaqadiidana habsami u socodkeeda aad qayb muhiim ah kaga qaadan doontaan, runtii waxaan aad  ugu mahadnaqayaa madaxa tababarka iyo haay’ada UNHABITAT oo soo bandhigay barnaamij aad u fiican oo 11 buug ka kooban oo uu xildhibaanku ku fahmi karo waxii shaqadiisu  tahay.”