Geed-Deeble: Indinkoo I Gooyaan Gunnimada Ka Door Biday!!!

12
935

geedWax lala yaabo maaha in abuurta Alle een aadanaha ahayni kula hadasho, waxase yaab leh marka hadalkeedu noqdo cabasho xanuun kugu beerta!!

Wuxuu haatuf ii siday war dhiillo leh oo iiga yimid meel dheer iyo mudankii dhirteena. Waa dhawaaq cabasho ah oo dabeecaddii dhulkeena iyo taariikhdeenoo ku dhaabani ii igmadeen inaan idiin soo bandhigo si aad uga garawdaan.

Waa Geed Deeble oo ka ooyaya gudmo baas oo dad u soo daabteen inay ku gooyaan sumadda dhaqan iyo taariikheed ee uu inoogu astaysanyahay geedka deebta leh iyo degaankiisuba. Waxay doonayaan inay qolo u dabraan qasnad Qarankoo dhami usho.

Geedku wuxu yidhi: dadkaygoow waa nasiib darro in maanta dib loogu noqodo nacasnimo mar Alle idinka daweeyay oo Qaran loo sadqeeyo qolonimo. Garaadkiina iyo gayigaba inaad wasakhaysaan umaan fadhiyin maanta oo aad ku celcelisaan cid baa shiraysa. May ahayn inaad qolonimo qiblada kala fadhiisataan xaruntii Qaranka. Wali ma qiimayseen sida falkiina iyo furaha dawladnimo u kala fog yihiin?!

Hadii aad doonaysaan inaad qolo qolo u fadhiisataan maxaad ugu qaylisaan qaran baanu nahay dunidana ugu dhego barjaysaan erayo aan ka iman laabtiina oo aad abtirsiimo ka xigtaan. Qaranimo ma taasaa, iyo inaad qolonimo la doonataan qibladii fanka oo lagu qiimo tiro taariikhdii Jihaadka. Gar Allee miyay iga kiin qabataa dadkaygoow inaad tidhaahdaan Geed Deeblaa qolo looga madal dhigay?!!

Deeble wuxu yidhi: qalbiga qolonimo gashaa qaranimo kala qaloodee, bal aan mar idiinku celiyo ka aan ahay iyo Qaranka qiimahaan u leeyahay iyo sidaan taariikhdiina u bilo. Aan idin xusuusiyee dhulka Alle wuu kala nasiib badanyahay oo waxa jiro goobo gaar ah oo dhulka ku gadaaman ugu faana haybada Alle gaar u siiyay. Geedka deebta leh iyo degaankiisu waxay ku suntanyihiin laba arrimood oo umaddii waydaa aanay abidkeen jiri karin; waa ka gilgilashada dulmiga iyo u hiilinta cadaaladda iyo ta labaad oo ah suugaanta iyo heesaha lagu hago halganka loogu hiiliyo sinaanta iyo sarraynta sharciga.

Aniga iyo gargoorkuba waxaan Qaranka Somaliland ee aad daabaqadda qolonimo kula dhex wareegaysaan ugu fadhinaa qiime wayn oo qalbi qabyaalad ka daahir ahi u qushuuco. Waxaan hoy u ahaa mid ka mid ah hujuunadii halgankii lagu xoreeyay Somaliland, waxan ahay halkii ay dhulka ka doorteen mujaahidiintu ee ay dhaawaca iyo dhuuniguba u yaalleen. Waxan ahay halkii u hibaysay halgameyaasha damallo dirirta ka qayb galay oo u daleeyay dad iyo mujaahid daalan ba hadh qabow iyo biyo hagar la’aan ah. Goobtaa dahiran ee dhiiggii mujaahidiintu ku daatay kuwo kalena kuba god galeen ma mudna in magac xaafadeed lala tago. Ma haboona in mujaahid Allaystay luxudka laga toosiyo oo ruuxdiisa xasishay la tuso in waxay u shahiiday ku danbeeyeen biyo col dhaanshay!

Geedku wuxu yidhi: mar labaad waxaan ahay meel ku astaysan fanka iyo suugaanta dalkayga. Waxan ahay maqaam lagu wada dhaato oo mudan in ubadka loogu dhigo dugsiyada si ay ugu koraan inay leeyihiin muusig iyo suugaan u gaar ah oo si farshaxanimo iyo aftahamo leh u suuraysa abuurta Alle iyo dareenka dadkiisa. Waxaan ahay mid ka mid ah goobaha ku ilhaamiya hal abuurka inay soohaan sadarrada suugaaneed si ay ugu xoodaamiyaan garka wadnaha sida faraha Xudaydi u xaradhaamiyaan xadhkaha cuudka.

Waxan ahay halka barakaysan ee lagu higaadiyo heesaha ma guuraanka ah, waxaan ahay qalcad faneed iyo dhaxal muusig oon duugoobin halka loogu xudun xidhay. Cuudki Qarshe, codkii Faysal iyo qaraamka heesuhu halka ay u hoydaan ee nafta lagaga soo habo marka la hirgalinayo heshiisyada kalgacal ee uu hagayo hilowga quluubta isu heellani. Qudbigaa kalgacalka iyo qiblada suugaanta ma haboona inaad la hoos timaadaan qolo iyo shirkeed!!!

Geedku wuxu yidhi: waxaan habaar uga sidaa ciidda hooyo inta aan is lahaa waxbay umadooda tari oo iyagaa wax bartay. Kuwa isku sheega aqoonyahannada jaamacadaha dhameeyay ee wali garaadkoodu u rahmanyahay reernimada. Buugaagta buugaagta sidata ee bayd la baray aanu u dhicin ee doonaya inay ku meel maraan magacaan is lahaa umadday ka xorayn: Qabyaalad!

Qalin iyo qolonimo isma qaataane nin kasta oo u qaashaarta qolonimo iyo ururinteedba ha ogaado inuu qarannino dayro ka yahay.

Dadyahow qaranimo iyo qabyaaladi meel ma wada galaan, dhagihiinana waan ogahay inay laydh u daloolaan oo aan dhawaaqaygu laabtiina u dhacayn. Waan hubaa oo hurimaysaan qolonimo iyo qaranimo dullaynteede hal baase idin la gudboon:

Gole reer noqon maayee

Inta aanan gumoobin

Gunta heedhe ka gooya

Aniga iyo gargoorkaba!!!

Waa Fariintii iiga timi Geed Deeble iyo dareenkiisii oo aan idiin soo bandhigay, gar iyo gardarro ka ay tahay se idinkaa ka garniqi.

Comments are closed.