Naafonimadu Maaha Dhammaadka Nolosha: Tusaalaha In Aanay Caqabaduhu Ahayn Teed Kaa Xidhaya Guusha

0
764

Waxa uu naafo dhammaystiran jidh ahaan, ma awoodo dhaqaaq iyo hadal midna, mana neefsan karo haddii aanu ku rakibnay qalabka neefsiga caawiya. Habka keliya ee uu cuntada ku cunaana waa tuumbo inta sanka laga geliyey illaa caloosha lagu dhaadhiciyey. Laakiin maskaxda iyo hanka naafo kama ah, waxa aanu maamul shirkado ganacsi oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan boqortooyada Sucuudiga.

Suldaan Bin Muxammed Al-Cadli waxa uu badqab jidheed iyo caafimaad buuxa ku dhashay sannadkii 1961 kii, waxa aanu si dabiici ah dalkiisa ugu dhammaystay waxbarashadiisii illaa dugsiga sare, kaddib waxa uu waxbarasho jaamacadeed u tegey dalka Maraykanka. Halkaas oo uu ka soo qaatay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda oo ah cilmiga Injineeriyadda Korontaa. Buuggiisii jaamacadda oo uu noqday ardayga ugu sarreeyana waxa uu ka qoray qalabka falgalka bu’eed ee loo yaqaanno (Nuclear Reactor) oo loo adeegsado curinta iyo is-xakamaynta iswadda ee falgalka taxan. Suldaan intaas kaddib waxa uu dib ugu soo noqday dalkiisa oo uu ka aasaasay shirkaddiisii ugu horreysay.

Sannadkii 1997 kii ayaa uu Suldaan ku soo booday xanuunka dila shaqada nammaan neerfayaasha ee magaciisa loo soo gaabiyo (ALS), tan iyo waqtigaas oo hadda 23 sano laga joogana xubin keliya oo jidhkiisa ka mid ahi ma’ay shaqaynayn, marka laga reebo labada indhood iyo labada dibnood, sidaa awgeed iskii uma uu neefsan karayn, waxna ma’ uu cuni karayn.

Laakiin maadaama oo ay maskaxdiisu weli joogto, Suldaan waxa uu go’aansaday in naafonimadaas aanu u arag caqabad ka hor istaagaysa in uu dhammaystiro geeddiga guusha ee uu bilowgiisii waday. Waxa uu sii waday maamulka shirkaddiisii uu aasaasay 1994 kii oo saddex sano ka horreysay markii xanuunku ku dhacay, waxa aanu awooday in uu muddo gaaban kaga dhigo shirkad ballaadhan oo xarumo ku leh in ka badan 2 boqol oo magaalo oo dalka Sucuudiga ah. Kumana uu joogsan halkaas ee waxa kale oo uu aasaasay shirkado kale oo qayb ka noqda ganacsigiisa. Waxa uu Sucuudiga ka furay farac ka mid ah merahada bunka ee caalamiga ah ee Dunkin’ Donuts, sida oo kalana waxa uu aasaasay laba shirkadood oo la jaal ah meeradihiisa Dunkin Donuts, kuwaas oo kala ah Shahiya iyo Ma’kal. Waxa kale oo uu sameeyey shirkadda ‘SAMSA’ oo gaadiidka fudud ah, faraca Sucuudiga e shirkadda caalamiga ah ee FedEX, shirkadda AMANCO oo ka shaqaysa adeegyada amniga iyo badqabka, waxa aanu xubin muhiim ah ka yahay golaha maamulka ee shirkadaha Ramlah iyo Mansuur Janaraal oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dalka Sucuudiga.

Maanta Suldaan waxa uu ka mid yahay ganacsatada caalamiga ah ee dalka Sucuudiga, waxaana u shaqeeya dad ka badan 10 kun oo qof.

In ganacsiyada sidaas u waaweyn iyo hal-abuurradaas ganacsi uu curiyo, isla markaana mamaulo isaga oo xaaladdan ku sugani, ma’aha waxa keliya ee uu Suldaan qabtay, balse waxa kale oo uu ka dhabeeyey ka midho himilo uu lahaanjiray oo ah akhriska iyo qoraalka.

Xaaladdiisa caafimaadna kama ay hor istaagin in uu qoro buuggaag uu ka mid yahay buugga uu kaga warramay taariikh nololeedkii awoowgii Saalix Baasha oo ka mid ahaa masuuliyiintii gacanyareyaasha u ahaa boqor Cabdalcasiiskii aasaasay boqortooyada Sucuudiga. Waxaana xusid mudan in buuggan hordhiciisa uu qoray boqorka dalka Sucuudi Carabiya, Salmaan Bin Cabdalcasiis. Waxa kale oo uu Suldaan qoray buuggaag ka warramaysa cilmiga Maaraynta ganacsiga. mid ka mid ah waxaa lagu magacaabaa, “Majmuucatu-Almihaniyat Al-Idaariya, Wal-fanniya Almutakhasisa”

Alle ha u naariisto ee Suldaan Al-Acadli ugu dambayntii waxa uu xanuunkan u dhintay toddobaadkii hore 12-kii bishan Abriil 2020 ka iyada oo ay da’diisu 59 sano jir tahay. Waxa uu tusaale u ahaa hal-adayga iyo kartida, waxa aanu marag muuqda ka yahay sida aanay naafonimada, iyo guud ahaan caqabadaha qofka ka hor yimaaddaa u noqon Karin teed ka xidha higsigiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here