Cudurka COVID-19 Maxaynu Ilaa iImika ka Baranay? Xaguu se Ku Socdaa? (U Khaas ah Ardayda iyo Dadka Waxbarashada Jecel) (Qaybta Kowaad)

0
1096

Laga bilaabo Diisambar 2019 COVID-19 waxa uu ku dhacay in ka badan 2 million oo qof (intaa in ka badan oo uu ku dhacay tijaabo loo ma samayn oo xisaabta ku ma jirto).  Waxaana u dhintay inta la ogyahay 150,000 oo qof.  Welina wuu sii fidayaa.

Fayrus dhumaceedu ka yarhay 120 nm (waa marka mitirka loo qaybyo hal billion oo qaybood) ayaa dunidii gebi ahaanba albaabada u laabay.  Cudurka ka dhashay fayruskan wuxuu u eegayahy hargabka balse wuu ka xoog badan yahay.  Xumad xaddhaafa iyo qufac qalallan baa u dheer iyo neefta oo bukaanka qabata.  Nasiib wanaag dadka sida kale u caafimaadka qabaa intooda badani way ka kacayaan. Waayeelka iyo dadka cuduro kale qabaa se khatar buu gelinayaa.

Waxa kale oo aynu ogaanay in dadka miisaankoodu aadka u wayn yahay inay khatar ugu jiraan.

Waxyaabaha Cusub Xagga Cudurka?

Waxyaabaha lagu arkay COVID-19 waxa ka mid ah in dadka qaar sida kale isaga caafimaad qaba uu ku  leeyahay soo boodo markiiba sanbabkooda waxyeelo laxaad leh u gaysanaya.  Bukaanka uu ku xumaado in badan buu oof warayn ku noqdaa, in buu se si lama filaan ah oo deg deg ah wax u yeelayaa.  Maxaa sababa?

In kasta oon weli la wada ogayn waxa loo malaynayaa saddexdan sababood:

  1. Fayrus weliba waxay leedahay albaab ay unuga dadka ka gasho.  Furahay sidataa waa fararahaa coronada (taajka) oo ah protein loo yaqaan Spike Protein ama S protein.  Furahaasi albaabka ay unuga ka gashaa waxa la yidhaadaa ACE II Receptor.  Waxa la mala awaalayaa oon la hubin in dadka qaar leeyihiin ACE II Receptor aad ugu nugul qabsashada S proteinka fayruska una fudadayna in fayrus badani dhakhso u dhexgasho unugyada dhakhsana u taranto.
  1. Wax wal oo dibedda inooga yimaadaba difaac baynu u leenahay (immunity). Difaacaas mar mar baa miisaanku ka lumaa oo halkuu kaa difaaci lahaa buu jidhkii wax yeelaa (immunopathology).  Waxa ka mid ah immunopathologyga waxa loo yaqaan cytokine storm.  Cytokinesgu waa maadooyiin farabadan oo ay sameeyaan unugyadeena dhiiga cad ee difaaca (immunitiga) inoo sameeya.  Maadooyinkaas cytokinesku aad bay u badan yihiin qaybta ugu sii badanna waxa loo yaqaan Interleukins am IL. Imika waxa jira 38 IL (IL-1 ilaa IL-38) iyo qaybo kale oo farabadan oo la xidhiidha sida Interferons, tumor necrosis factor (TNF), transforming growth factorm colony stimulating factors iyo in kale.  Cytokines ku unugyada cad ee difaaca jidhka ayey u kala dab qaadaan (signaling), mar bay shaqada hoos u dhigaan ama saro u qaadaan, marbay soo jiitaan si meesha jidhka dhibtu ka jirto difaac u yimaado, marbay unugyada tarankooda badiyaan ama dhismoohada dhamaystiraan.

Nasiib darrada haddii ay si xad dhaafa ah unugyaddu u sii daayaan cytokines badan difaacii baa dhaafi kara intii loo baahnaa ee jermiska wax yeeli lahaa oo markaa jidhka laftiisii wax yeeli kara.  Sanbabku wuxuu ka samaysan yahay xuub yar si ay u fududaato inay oxygen tu dhiiga u gaadho carbon dioxide-duna ka soo baxdo.  Sidaa daraadeed si hawlyar buu wax u noqon karaa.

  1. Sababta saddexaad waxay la xidhiidhaa “dose”ka faryuska ee qofku qaado. Haddii qofku la kulmo dhibco fayrus oo aad bu badan waxa laga yaabaa inuu dhaksho ula soo dhaco waxyeeladuna ku badato. Sidaas baa badiyaa ku dhacdaa dhakaatiirta iyo dadka kale ee bukaanka daryeela oo bukaanka aad ugu dhawaada, taabta ama dhecaankiisa ka sifieeya.
  1. Vitamin D: Dadka aadka wax ugu noqday COVID-19 ee Europe, waxa si lama filaan ah ugu badan dadka Somalida iyo ajaaniib kale oo ay ku jiraan dhakhaatiir iIngiriska ka hawl gala ee loo yaqaan BAME- Black, Asian and Minority Ethnic.  Waxa la leeyahay waxa jira Vitamin D yaraan oo kooxdeena ku badan.  Hore ayaa loo arkay in Somalida dadkeena Europe taga ay ku yartahay Vitamin D, lagana yaabaa inay xidhiidh la leedahay cuduradda sida macaanka oo kale

La Soco Qaybta Labaad (Dawooyinka iyo Talaalka iyo Qyabta Saddexaad; Xaguu ka damabynayaa aakhirka)

W/Q: Dr Axmed Xuseen Ciise

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here