Dadka Ka Bogsaday Coronavirus Oo Dheecaanka Dhiigooda Tartan Loogu Jiro Si Dawada Xanuunka Looga Sameeyo

0
654

Dalalka adduunka ayaa dadaal ugu jira sidii dhiigga dadka ka bogsada xanuunka COVID-19, looga raadin lahaa dawada ku habboon xanuunkan dadka labada milyan ka badan ku dhacay.

Saynisyahanno Maraykan ah ayaa bilaabay cilmibaadhiso la xidhiidha suurtagalnimada in Balaasmada dhiigga dadka ka bogsaday ‘Coronavirus’ laga heli karo dawo lagu daweeyo dadka Fayraskani uu sida aadka ah uga awood batay ee xaaladdoodu culustahay. Inkasta oo ay arrintani weli tahay fikir bilow ah, haddana waxaa isa soo taraya saynisyahannada soo dhoweeyey oo weliba rejo ka qaba in ay natiijo ku heli karaan todobaaddo gudahood. Dabayaaqadii bishii saddexaadna hay’adda Qaranka ee Cuntada iyo dawada ee dalka Maraykanka ayaa cilmibaadhayaal fasax u siisay in ay baadhis ku sameeyaan suurtagalnimada in balaasmada dhiigga dadka ka bogsaday COVID-19 ay caawin karto la dagaalanka Coronavirus.

Balaasmadu waa maxay?

Balaasmadu waa dareere khafiif huruud midabkiisu xigo ah, oo boqolkiiba 55 ka ah waxyaabaha uu samayska dhiiggu ka kooban yahay. Shaqadeeda ugu badanina waa in ay unugyada iyo barootiinka gaadhsiiso jidhka qaybihiisa oo dhan, iyada oo sida oo kalana xambaarta macdanaha iyo maaddooyinka nafaqo ee sonkoraha, Faytamiinnada iyo Hormoonaadku ka mid yihiin.

Balaasmada samayskeeda waxaa ka mid ah lid-jidh-galayaal awood u leh iska caabbinta xanuunnada. Sida uu ku warramayo wargeyska USA Today, Balaasmada dadka xanuunkan sida fudud uga bogsaday waxa ay fududayn kartaa fahamka jawaabta difaaca jidhku ka bixiyo Fayraskani marka uu galo, iyo sida uu ula dagaalamayo. Cilmibaadhis kooban oo uu isla arrintan Shiinuhu ku sameeyeyna waxaa ka soo baxay natiijo rejo abuurtay. Inkasta oo ay jirto cabsi ka dhalanaysa dadka uu xanuunku aad ugu xumaado ee u dhinta oo inta badan xaaladdoodu ay tahay mid kedis ah, sidaas awgeed dawada waxtarkeeda in ay sugi karaan laga cabsi qabo, maadaama oo ay noqonayso dawo la siinayo marka ay xaaladdu xumaato. Isla markaana dawada noocan ahi ay noqonayso dawo aad u yar xaddi ahaan, oo dad badan balaasmadooda aan loo wada heli Karin.

Dalalka Jarmalka, Ingiriiska, Talyaaniga, Isbayn iyo Sucuudiga ayaa inta illaa hadda la ogyahay ka mid ah dalalka doonaya in ay Balaasmada dhiigga dadka ka bogsaday ‘Covid-19’ ka raadiyaan dawo lagula dagaalami karo xanuunka, gaar ahaan dadka xaaladdoodu ay cuslaato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here