Muxuu Maraykanku Ka Faa’idaa Barnaamijka Dal- Ku-Galka Bakhtiyaal Nasiibka Ah (Lottery) Ee Uu Bixiyo

0
751

11Hargeysa (Geeska)- Dalka Maraykanku waxa uu sannad kasta qaataa dhowr kun oo ah shisheeye uu deggenaanshiyo rasmi ah oo uu marka dambe siiyo jinsiyado, aakhirkana keenta in ubadkoodu ay muwaadiniin noqdaan.

Dad badan ayaa laga yaabaa in aanay is weydiin ama si aad ah u fahmin sababta dal ku kallifaysa in uu dad shisheeye ah sannad kasta soo qaato oo jinsiyaddiisa siiyo, iyada oo la og yahay in maanta ay dawladaha dunida maanta oo dhami khaati ka taagan tahay dadka soo galeetiga ah iyo dad doonaya in ay ku noolaadaan dalalkooda. Waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayaa qormadan oo ka hadlaysa dhowrka qodob ee ugu muhiimsan ee uu dalka Maraykan ka faa’ido dadka shisheeyaha ah ee uu dalkiisa ku deegaameeyo.

1. Barnaamijkan waxaa sannad kasta soo codsada Malaayiin dad ah oo dunida daafaheeda kala fog ku nool, dadkaas oo in badan oo ka mid ahi ku soo baxaan xulashada hore waxa uu mid kastaa bixiyaa Kun Doolar oo lacagta Maraykanka ah, halkaas oo ay ka soo xarooto lacag malaayiin doolar ah. Ugu dambaynta  tiro aad u yar ayaa uu Maraykanku dadkaas ka qaataa.

2. Qof kasta oo codsada barnaamijkani waxa uu ku qasban yahay in uu bixiyo macluumaad aad u badan, sidaa awgeed marka la taxliiliyo xogta ay bixiyaan dadka barnaamijkan soo dalbanayaa, waxaa ka soo baxaya xog dunida daafaheeda oo dhan ka timid oo si uun ugu faa’idayn karta haayadaha warka iyo xog ururinta ee Maraykanka.

3. Dadkan cusub ee uu Maraykan dalkiisa ku deegaamaynayaa waxa ay noqdaan shaqaale jaban, gaar ahaan inta ay dalka ku cusub yihiin waxa ay ku qasbanaadaan in ay qabtaan shaqooyin daruuri dalka u ah, dadka qabanayaa yar yihiin, mushaharkooduna aad u hooseeyo, waxaa ka faa’idaysta warshadaha iyo shirkadaha muhiimka ah ee Maraykan oo khaati ka taagan shaqaalaha xuquuqda iyo mushaharka sare doonaya ee Maraykan, sababna u noqday in wax-soo-saarka Shiinuhu ka qiimo jabnaado ka Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka maadaama oo uu Shiinuhu helayo shaqaale jaban.

4. Marka dambe ee ay dadkani ku ilbaxaan dalka waxna bartaan waxa ay mar kale dawladda u noqdaan shaqaale ay ku cadaadiso shaqaalaha muwaadiniinta ahaa ee iyagu xuquuqda iyo lacagta badan raba. Waxa kale oo dadkan looga faa’idaystaa ciidamada qalabka sida.

5. Maadaama oo uu Maraykanka dhulkiisu aad u weyn yahay in dad cusub la keenaa waxa ay sababtaa in dhul cusub la deegaameeyo, oo uu dalku fido, taasina dalka camirnidiisa iyo dhaqaalihiisaba dan ayaa ay u tahay.