2 Milyan Oo Qof Ayaa Sannad Kasta Dunida Ugu Dhinta Sababo La Xidhiidha Wasakhda Cuntada Gaadha

0
628

333Qaahira (Geeska)- Haayadda Caafimaad Adduunka ayaa shaaca ka qaadday in Laba Milyan oo Ruux ay sannad kasta dunida ugu dhintaan cudurro ay ka qaadeen cuntooyin.

Haayadda WHO ee Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka adduunka ayaa war ay ku beegtay xuska sannadkan ee maalinta caafimaadka adduunka ee 7da Abriil waxa ay ku sheegtay in  cuntada iyo biyaha wasakhdu gaadho ama jeermisyada ili-ma-qabatinka ahi ku dhacaan ay dunida maanta ku sababaan in ka badan laba boqol oo nooc oo cudurro ah. Ka bilow shubanka illaa noocyo ka mid ah cudurka Kansarka.

Agaasimaha guud ee haayadda WHO Margaret Chan oo iyaduna arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in ay sii kordhayso lagama maarmaannimada in ganacsatada dunidu ay iskaashi caalamiya ka yeeshaan badeecadaha kala duwan ee la cunayo, si loo sugo nadaafaddooda iyo in aanay saamayn taban ku yeelan caafimaadka. Agaasime Margaret Chan waxa ay intaas ku sii dartay in ay jiraan sababo badan oo keena in bakteeriyada caafimaadka u daran iyo cudur-sidayaal ama Jeermisyo kale ku dhashaan cuntada la cunayo, ama xitaa mararka qaarkood ay ku dhashaan maaddooyin kiimikaad oo khatar gelinaya caafimaadka. Arrintan oo lagu tilmaamo wasakhowga cuntada ayaa ay Margaret Chan ka digtay in ay dhaqso u noqon karto masiibo caalamiya.

Hal-ku-dhegga sannadkan ee maalinta caafimaadka adduunka ayaa ahaa, “Badbaadada cuntada: Beerta illaa bilaydhka”