Jaamacada Hargeysa Oo Cilmi Baadhi Cusub Daah Furtay

0
587

Picture1Hargeysa (Geeska)-Jaamacadda Hargeysa ayaa sameeysay Cilmi-baadhis ku saabsan qashinka iyo sameeynta uu ku leeyahay goobaha caafimaadk, waxaana Munaasibadii lagu soo bandhigayey Daarasadan oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa ka soo qeyb galay Madaxda, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacada Hargeysa iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada.

Cilmi baadhistan oo muddo lix bilood ah waday Jaamacada Hargeysa, gaar ahaan ardayda ayaa waxa ay sidoo kale halkaas ku soo bandhigeen Cilmi baadhis iyo Daraasad si layaab leh ay ugu darseen ?‎Qashinka ?‎Cisbitaaladda iyo ?‎Saamaynta uu ku ?Leeyahay ?‎Caafimaadka Bulshada.

Ardaydan Daraasadan sameeysay oo dhigta Kuuliyaada Deegaanka oo ay ka mid ?‎yihiin Cawo ?Cabdiraxmaan, Maxamed Yaasiin,  Maxamed Indha Yare,  iyo Maxamed Cabdirmaan Yuusuf, oo iyagu Munaasibadan ay ku soo bandhigeen Daraasadan ayaa ka xog-waramay Daraasadani wakhtigii ay ku qaadatay, waxyaabaha ay darseen iyo dhibaatada uu Qashinku ku yeelan karo Cisbitaalada iyo sidoo kale nadaafadu qiimaha ay leedahay.

Ardaydan ayaa sidoo kale waxa ay ka hadleen qiimaha uu Cilmigu leeyahay, aqoonta ay ka korodhsadeen Jaamacadda Hargeysa, iyo abaalka ay u ahayaan Maamulka iyo Macalimiinta wax bartay ee ku tabcay.

Dhinaca kale  Agaasimaha Xidhiidhka dadweynaha  ee Jaamacadda Hargeysa Axmed Yuusuf Gool-cadde oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa si xeel dheer uga waramay Daraasadan ay Ardaydani sameeysay qiimaha ay leedahay, sharafta iyo sumcada ay u soo jiiday Jaamacadaha Hargeysa iyo waxa laga faa’iidi karo, waxaanu ku booriyey inay halkaas ka sii wadaan dadaalka, Daraasadaha iyo Cilmi-baadhista ay bilaabeen.

Agaasimaha Xidhiidhka dadweynaha  ee Jaamacadda Hargeysa Axmed Yuusuf Gool-cadde ayaa sidoo kale ka waramaya qiimaha uu Cilmigu leeyahay iyo dadaalka ay Jaamacada Hargeysi ugu jirto inay u soo saarto Arday dhianca walba ka dhisan.

Dhanka kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada gaar ahaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inay Ardaydani soo bandhigeen Daraasad lagu farxo, waxaana aad ugu mahadnaqay Ardayda, Maamulka iyo  Macalimiinta Jaamacada Hargeysa, waxaanu sheegay in mar walba loo baahan yahay in Qashinka la mareeyo.