“Dawladu May Burburin Xisbiga UDUB Ee Iyagaa Is Burburiyay”

1
632

 

jamalLondon(Geeska)-Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay burburka soo waajahay xisbiga UDUB, waxaanu sheegay inaanay burburkiisa xukuumadda Somaliland wax lug ah ku lahayn.

 

Jamaal, oo hadal ka jeediyay munaasibad loogu sameeyay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay inay madaxda UDUB xisbiga burburisay, “Dawladda Somaliland may burburin xisbiga UDUB ee iyagaa is burburiyay.” Ayuu yidhi Jamaal, waxaanu intaas raaciyay “Waxaan kula talinayaa saaxiibaday oo aan iyaga laftidooga uga tagay markii ay igu qabqabsadeen waxaan leeyahay maanta inaad halkan la soo istaagtaan doorasho ma dhacayso oo waanu dagaalamaynaa, maaha.”

Jamaal, wuxuu hore ugu biiray xisbiga UDUB oo garab ka mid ahi murashax Madaxweyne u doortay, laakiin guddomiyaha UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa laalay murashaxnimadaas, waxaanu aakhirkii Jamaal Cali Xuseen ku biiray xisbiga UCID oo uu u noqday murashax madaxweyne.

Comments are closed.