Wasiirka Warfafinta Oo Ka Hadlay Rag Laga Shakiyay Oo Habeenimo U Soo Dhacay Xarunta Idaacadda

0
684

 

abiibiHargeysa(Geeska)-Wasiirka warfaafinta Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad), ayaa ka hadlay rag la sheegay inay toddobaadkan goor habeenimo ah u soo dhaceen xayndaabka xarunta wasaaradda warfaafinta oo la qabtay.

Md. Abiib Timacad, oo shalay warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay in raggaas lagu hayo baadhitaan lana geeyay xarunta baadhista dambiyada, “Habeen dhawayd afar nin ayaanu ku dhex qabanay idaacadda badhtankeeda, ilaa hadda waxay yihiin lama garanayo oo waa la baadhayaa oo CID-da ayaa gacanta ku haysa oo weli noomay soo gudbin, waana kuwa aanu ku baraarugnay.” Ayuu yidhi Wasiir Abiib Timacad oo shalay ka hadlayay olole dhirta lagaga gurayay xayndaabka balaadhan ee wasaaradda warfaafinta, waxaanu intaas raaciyay in hawlgalka dhirta lagu guraayay la xidhiidho sugitaanka amniga xayndaabka wasaaradda warfaafinta oo ay idaacadu dhex taalo, “Idaacadan cusub ee weyni waxay u baahantahay ilaalo iyo masuuliyad, hawshan aynu wadnaana waa sidii loo sugi lahaa ammaankeeda iyadoo meesha ay taalaa balaadhantahay.” Ayuu yidhi Wasiirku.