Madaxda Xisbiga UDUB Oo Ku Hanjabtay Inaanay Dalka Doorasho Ka Dhici Karin La’aantood

0
616

 

xilHargaysa( Geeska )- Masuuliyiinta xisbiga macaaradka ah ee Udub, ayaa ku dhawaaqay in ay go’aan ku gaadheen in aan doorasho ka dhacin dalka, isla markaasna ay hor-istaagi doonaan doorasho inay ka dhacdo guud ahaan dalka.

 

Hadalkan  ayaa ay warbaahinta u soo gubiyeen kadib markii siyaasiyiin uu horkacayay  Cali Maxamed Warancade kulan ku dhawaad saacad qaatay  ay la yeesheen shir gudoonka golaha guurtida, isla markaasna la sheegay inuu u soo gubiyay in  aanay jirin wado ay wakhigan doorashada deegaanka kaga qaybgali karaan,  rajo la’aana ay ku dhamaatay kulmo ay la qaateen komishanka doorashada.

Xubanahan la kulmay shir gudoonka golaha guurtida ee uu hogaaminayay Cali Warancade ayaa kala ahaa, Saciid Sulub,Axmed Xaaji Daahir, xogyaha ku meelgaadhanka ah ee UDUB Cabdixaliim iyo masuuliyiinkale. Waxaanay masuuliyiintan ka soo baxeen kulankan ay la qaateen shirgudoonka golaha guurtida iyaga oo niyad jabsan, isla markaasna uu ka muuqdo jaahwareer iyo caga jiid.

Intaas kadib waxa ay masuuliyiintan UDUB ay shir jaraa’id ku qabteen xarunta guud ee Xisbiga UDUB, waxaana afka xisbiga isaga oo ku hadlaaya warbaahinta la hadlay Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan) oo  ku dhawaaqay go’aanka xisbiga“ Guddidii doorashooyinka iyo wax alle wixii iyaga ku xidhnaa , waxa ay isku raaceen in UDUB laga  saaro saaxada  oo laga reebo doorashada  si xaqdaro ah , anana haddaanu UDUB nahay , waxa aanu taa kaga jawaabaynaa oo aanu go’aansanay  in aanay doorashaba dhicin , UDUB doorasho ay diidaana ka dhicimaysa dalka , haddii aan taa wax laga qaban  oo aan khaladka dawlada iyo taageerayaasheedu ay galeen  aan laga noqon  UDUB waxa ay go’aansatay in aanay doorashaba  dalka ka dhicin “ ayuu yidhi Xildhibaan Hoori.

Xibiga mucaaradka ah ee UDUB ayaa wakhtigan si  cad cagta u saaray jidkii uu kaga bixi lahaa saaxada siyaada, inta-badan masuuliyiintii xisbigaasina waxa ay haatan siyaabo kala duwan uga hadlayaan cida u sababta ah burburka xisbigaas soo food saaray.