Muuse Biixi Oo Umadda Ku Bogaadiyay 51 Guurada Xoriyadii Ingiriiska Laga Qaatay

1
988

biixi

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muse Biixi Cabdi ayaa shacabka Somaliland ku bogaadiyay  munaasibadda 51 guurada ka soo wareegtay maalintii ay xorriyadooda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska oo maanta ku beegan.

Md. Biixi, ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa kale oo uu shacabka ku bogaadiyay sidii nabadgelyada lahayd ee 26 June, 2010 ugu codeeyeen doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday. “Waxaan umadda reer Somaliland gudo iyo dibadba aan ku hambalyaynayaa sannad guurada 51aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xorriyadooda ka qaateen gumaysigii Ingiriiska, waxaanan Alle uga baryayaa inuu gaadhsiiyo horumar iyo barwaaqo.” Ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa kale oo aan shacabka reer Somaliland ku hambalyaynayaa sidii nabadgelyada lahayd ee 26 June, 2010 ugu codeeyeen nabadgelyo, markii ay doorashadii madaxtooyadu dalka ka dhacday.”

Muuse Biixi, waxa uu Alle SWT ka baryay inuu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo Somaliland horumar, barwaaqo iyo nabadgelyo iyo weliba inay gaadhaan yoolkooda koowaad oo ah inay ka mid noqdaan bulshada caalamka oo loo aqoonsado qaran buuxa.

Comments are closed.